Home Wararka Maanta Ilhaan Cumar oo diidday inay hor fariisato madaxweynaha Israil Isaac Herzog kana...

Ilhaan Cumar oo diidday inay hor fariisato madaxweynaha Israil Isaac Herzog kana hadashay Sababta

0

Gabadha asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya kana tirsan Aqalka Koongareeska dalka Mareykanka, Ilhan Cumar ayaa iska diiday in ay hor-fariisato kana qeyb gasho kulan uu khudbad ka jeedinayo madaxweynaha Israil Isaac Herzog.

Arbacada soo socota ayaa lagu wadaa in madaxweynaha Israail khudbad ka jeediyo fadhiga wadajirka ah ee koongareeska Mareykanka, waxaana khudbadaasi kaga hadli doonaa arrimo badan ay ku jiraan dagaalka ay kula jiraan xoogga xornimo doonka ee Falastiin.

“Bishii lasoo dhaafay, waxaan kasoo horjeestay martiqaad loo fidiyay Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi si uu uga hadlo fadhiga wadajir ah, sababtuna waxay aheyd halka dowladdii ka taagan tahay xaquuqda aadanaha. Bishanna kama qaybgeli doono khudbad la mid ah oo uu jeedinayo madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog.” ayey tiri Ilhaan Cumar.

Waxa ay sheegtay Ilhan Cumar in aysan marnaba suurtogal aheyn aheyn ay hor fariisato kana dhageesato khudbad madaxweyne u diiday in Israil tagto, sidoo kale xildhibaanad Rashida Tlaib u diiday in ay soo aragto xubno qoyskeeda katirsan.

Ilhan Cumar ayaa kamid ah siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda siyaasada xoogga ku dhisan ee Israil adeegsato, waxa ayna marar badan Isra’il ku eedeesay in falal laga argagaxo oo cadaawad ku dhisan ka wado dhulka reer Falastiin.

Ad
Previous articleXildhibaan C/llaahi Carab oo si kulul uga hadlay xiisadda GEDO
Next articleDiinlaawaha qoray buugga ‘Aayadaha Sheydaanka’ oo ka hadlay weerarkii isha looga riday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here