Home Wararka Maanta Maxay ka wad-hadleen Xamza iyo ra’iisul wasaarayaashii hore?

Maxay ka wad-hadleen Xamza iyo ra’iisul wasaarayaashii hore?

0

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa xalay hoygiisa ku qaabilay qaar kamid ah ra’iisul wasaarayaashii hore ee dalka, kuwaas oo ka qayb-galaya shir u dhexeeyo madaxda dowladda iyo kuwii hore ee dalka.

Xamza ayaa casho sharafeed ku maamusay labo kamid ah ra’iisul wasaarayaashii hore hore, kuwaas oo kala ah Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’rke oo labaduba deegaan ahaan kasoo jeeda deegaanada Puntland.

Ra’iisul wasaaraha ayaa labada mas’uul kala hadlay arrimo ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan dadaallada ay waddo xukuumaddiisa iyo guud ahaan qorshaha dowladda dhexe.

Sidoo kale Xamza ayaa sidoo kale ra’iisul wasaarayaashii hore warbixin qoto-dheer ka siiyay shaqada xukuumadda iyo guulaha ay ku tallaabsatay oo ay ugu horreyso dagaalka ka dhanka ah Shabaab & halka uu maraayo barnaamijka deyn cafinta oo heer gebo-gebo ah.

Wuxuu sidoo kale usoo bandhigay qorshayaasha dowladda ee ku aadan hannaanka Soomaaliya looga qaadayo cunaqabateynta hubka iyo sidii ay dowladda federaalka dhammaadka sannadka 2024 amniga ugala wareegi lahayd ciidamada howlgalka ATMIS.

Dhinaca kale ra’iisul wasaarayaashii hore, Cabdiweli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid ayaa ra’iisul wasaaraha uga mahadceliyay soo dhoweynta uu u sameeyay, sidoo kalena ku amaanay dadaalla ay haatan waddo xukuumaddiisa oo la magac baxday DanQaran.

Labada ra’iisul wasaare ayaa qayb ka ah shirka u furmay madaxda dowladda federaalka iyo kuwii hore ee dalka, kaas oo galay maalintii labaad oo xiriir ah.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa dhameystirka dastuurka, dimuqoraadiyeynta, doorashooyinka, dib u xoreynta dalka iyo siyaasadda.

Waxaa shirka furay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka qayb-galaya Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiye Shariif Xasan Shiikh Aden R/W Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, R/W Cumar Cabdirashid, R/W Xasan Cali Khayre, R/W ku-xigeen Ridwan Xirsi Maxamed, Wasir Cabdinuur Shiikh Maxamed iyo xildhibaan Cabdulqadir Cossoble Cali.

Sidoo kale waxaa shalay lagu kordhiyay xubno horleh oo ay kamid yihiin Maxamed Xuseen Rooble, Cali Maxamed Geedi, Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Waa laba ra’iisul wasaare oo hore iyo laba guddoomiye baarlamaan.
Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH:Weriyihii BBC-da ee dhowaan la shaaciyay in uu ku kacay fal anshax xumo oo la shaaciyay
Next articleXildhibaan C/llaahi Carab oo si kulul uga hadlay xiisadda GEDO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here