Home Wararka Maanta Xiisad Siyaasadeed oo ka dhalatay falkii cunsuriyada ahaa ee lagula kacay Vinicius...

Xiisad Siyaasadeed oo ka dhalatay falkii cunsuriyada ahaa ee lagula kacay Vinicius Junior

0

Cunsuriyaddii lagula kacay Vinicius Junior ayaa yeelatay waji kale, waxaanay xiisad siyaasadeed ka dhax abuurtay waddamada Brazil iyo Spain oo ay masuuliyiintoodu iskugu jawaabeen warbaahinta, halka Brazil ay dhaqan-gelinayo sharci u ogolaanaya inay dalkeeda ku ciqaabi karto cunsuriyiinta reer Spain ee ciyaartoydeeda ku aflagaaddeeya gudaha waddanka Spain.

Madaxweynaha Brazil oo shalay hadlay ayaa sheegay in ay layaab ku noqotay, in Spain ay faquuqday Vinicius Junior oo garoon dhan oo cammiran uu midab-takooray laacibkan, isaga oo dawladda dalkaasna ku duray in ay waxba u qaban weyday muwaadinkan waddankiisa u dhashay.

Laakiin wasiirka Arrimaha dibedda Spain oo lagu magacaabo José Manuel Albares ayaa si adag u difaacay dalkiisa iyo dadkiisa oo uu sheegay in aanay ahayn cunsuriyiin iyo waxa laga sheegayo, balse ay yihiin dad lagu yaqaano dul-qaad, is-ixtiraam iyo tixgelinta dadka kale iyaga oo aan midabkooda iyo jinsigooda u eegin, balse waxa uu ceeb ku tilmaamay falka lagula kacay Vinicius Junior.

Waxa hadda arrinta cirka kusii shareeray wasiirka caddaaladda Brazil oo lagu magacaabo Flavio Dino oo sheegay, in dalkiisu uu ka fiirsanayo inuu dhaqan-geliyo sharciga loo yaqaano ‘Principle of extraterrtoriality’ si uu dadkiisa dibedda jooga u difaaco, waxaana uu si cad u sheegay in ay arrintan u samaynayaan Vinicius Junior daraadii.

“Sharci Ciqaabeedkani waxa uu ogolaanayaa xaalado gaar ah, waxaana suurtogal ah in lagu dabakho sharciga Brazil si loo isticmaalo haddii dadka Brazil fal-dambiyeedyo lagula kaco xataa iyaga oo dibedda jooga.”

Flavio aya sdoo kale ugu baaqay Spain in ay tallaabo degdeg ah qaaddo, halka Madaxweynaha Brazil ee Lula da Silva uu u sheegay, maamulka LaLiga, dawladda Spain, xidhiidhka kubadda cagta Spain iyo FIFA in arrintan tallaabo degdeg ah laga sameeyo.

Dhinaca kale, afar qof ayaa xabsiga loo taxaabay waddanka Spain, waxaanay ka mid ahaayeen taageereyaasha Valencia ee garoonka Mestalla Stadium ku cunsuriyeeyey Vinicius Junior.

Waxa kale oo shalay shaqada laga eryey afar garsoore oo reer Spain ah oo ay qaarkood yihiin garsooreyaal caan ah oo ay ku jiraan kuwii fadhiyey VAR kulankii Valencia.

Ad
Previous articleRa’isul Wasaare Xamse oo ka qeyb galay Shir madaxeed ka furmay Dalka Masar(Sawirro)
Next articleCiidamado Farabadan oo Ka Tirsan Ku Kenya oo Lasoo Dhooobay Xadka Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here