Home Wararka Maanta Xiisad Ka Taagan Maamulka Puntland iyo Dagaal Laga Cabsi qabo

Xiisad Ka Taagan Maamulka Puntland iyo Dagaal Laga Cabsi qabo

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in haatan xiisad culus ay kasoo cusboonaatay magaalada Burtinle ee gobolkaasi, taas oo ka dhalatay dil ay ciidanka Booliska u gaysteen nin baxsad ah oo gaari soo dhacay.

Ninka oo gaariga kala soo baxsaday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa tegtay degmada Burtinle, waxaana kadib isku dayay inay qabtaan ciidamada ammaanka, balse uu iska rasaaseeyay, taas oo keentay in isagiina la dilo, askari kalena uu dhaawacmay.

Dilka kadib ayaa waxaa gadood sameeyay maleeshiyaad is uruursaday oo ku hayb ah ninka la dilay, waxayna ku sugan yihiin qaybo kamid ah degmada Burtinle ee Puntland.

Xaalad kacsan iyo dhaq-dhaqaaqyo ayaa haatan laga dareemayaa halkaasi, maadaama ay ku wada sugan yihiin ciidamada Booliska iyo maleeshiyaadka ka careysan dilka marxuumka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in aan weli la aasin maydka ninka ay dileen ciidanka ammaanka, waxaana maleeshiyaadka ay dalbanayaan in lagu soo wareejiyo.

Waxaa sidoo kale Burtinle gaaray saraakiil ay kamid yihiin taliyeyaasha booliska ee gobollada Nugaal iyo Mudug ee Puntland, kuwaas oo ku baxay xallinta xiisaddaasi.

Puntland ayaa waxaa ku badan isku dhacda hubeysan ee dhex-mara maleeshiyaadka iyo ciidanka ammaanka, waxaana horay deegaano ka tirsan maamulkaasi ugu dagaalamay Booliska iyo maleeshiyaad kale oo ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya.

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada UAE oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi sare oo ka socda dawladda Imaaraatka Carabta, uuna hogaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada ee Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, ayna ku jiraan saraakiil sarsare oo ciidan iyo diblumaasiyiin galabta

Mucaaradka Turkiga ahna Duqa Istanbul oo lagu xiray Dalkaasi

Ekrem Imamoglu, Duqa Istanbul ahna hoggaanka xisbiga mucaaradka, tartan xooganna kula jira Madaxweyne Erdogan, ayaa saaka xabsiga loo taxaabay asaga iyo 100 siyaasi oo kale oo mucaaradka ah. Imamoglu waa

Dowlada Somaliya oo beenisay hadalka Puntland ee ku diiday Kaarka Aqoonsiga

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee xukuumada Somalia ayaa sheegtay Kaarka Aqoonsiga Qaran inuu yahay xaq Dadweyne oo ilaalinta xogtiisana ay yahay mid sugan. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay

Ciidan Tababar ahaan u joogay Turkiga oo isku Qacan Qaaday gudaha xerada Tababarka

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Askar Soomaali tababar u joogtay Turkiga oo kubbad ciyaarayay oo dagaal ka dhex qaraxay, taasina waxay keentay in ay dhawacmaan ilaa iyo 24

Puntland oo sheegtay in Aqoonsiga Qaranka uu Noqday mashruuc hanti urursi ah oo culays ku ah shacabka Soomaaliyeed

Puntland ayaa si cad uga hortimid diiwaangelinta kaarka aqoonsiga qaranka (National ID) ee dowladda Fecderaalka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in qorshahan uu yahay mid siyaasadaysan, loogana dan leeyahay doorashooyin aan
Ad
Previous articleWar Cusub oo Kasoo Kordhay Xariga Xildhibaan Abiib oo Wali Xabsi Sharci daraa ku Jira
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Qarax lagu Dilay Taliyihii Bardaale ee Koonfurgalbeed