Home Wararka Maanta Xero Mudo Kabadan 15sano ay Daganaayeen Ciidamada ATMIS oo Lagu Wareejiyay...

Xero Mudo Kabadan 15sano ay Daganaayeen Ciidamada ATMIS oo Lagu Wareejiyay Ciidamada Dowlada Soomaaliya(Sawiro)

0

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah ciidamada howlgalka ATMIS ugala wareegtay xerada Maslax oo ku taalla degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, taas oo ay muddo sanado ah daganaayeen ciidamada Burundi.

Munaasabad ballaaran oo ka dhacday gudaha Xerada Maslax ayaa waxaa lagula wareejiyay xeradan Wasaaradda Gaashaandhigga,  ayada oo uu la wareegay Wasiiru Dowlaha Wasaaraddaasi, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow.

Sidoo kale waxaa munaasabadda ku sugnaa, Madaxa howlgalka ATMIS, ahna Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Maxamed Al-Amiin Souef oo isugu mas’uuliyadda xerada iyo maamulkeeda ku wareejiyay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiir Fiidow oo faahfaahin ka bixiyay la wareegitaanka xeradan ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya ay ku howlgali doonaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xeradan oo ah mid ballaaran ay muhiimad gaar ah u leedahay dowladda, isla-markaana looga faa’iideysan doono qorshayaal kala duwan.

Cabdinuur ayaa sidoo kale xusay in tallaabadan ay qayb ka tahay qorshayaasha ay dowladda federaalka kula wareegeyso amniga guud ee dalka, isaga oo shaaca ka qaaday inay ku filan yihiin ciidamada Soomaaliyeed.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in xeradaan looga faa’iideysan doono ciidamada cusub ee loo soo tababaray Soomaaliya, kuwaas oo kusoo laabanayo dalka si loo dajiyo xeradaasi.

“Waxaan uga faa’iideyseynaa qorshooyin badan dhowaan waxaa rajeyneynaa ciidamo badan oo naga maqan tababaro inay dalka kusoo laabtaan,” ayuu sii raaciyay.

Si kastaba, ATMIS ayaa qorshuhu yahay inay dalka isaga baxdo marka la gaaro bisha December ee sanadka soo socda ee 2024-ka, xilligaas oo ay faarujin doonaan guud ahaan Soomaaliya, si ay amniga ugu wareejiyaan ciidamada Xoogga dalka oo haatan u diyaar garoobayo mas’uuliyadda waddanka oo dhan.

Ad
Previous articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Kormeeray Fariisamihii Ciidamada Galmudug Kala wareegeen Alshabaab(Sawiro)
Next articleWAR DEG DEG AH: Qarax Culus oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho iyo Rasaas Xoogan oo Socota

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here