Home Wararka Maanta Xeer ilaaliyihii u danbeeyey ee wax ka xukumay dambiyadii Dagaalkii Labaad ee...

Xeer ilaaliyihii u danbeeyey ee wax ka xukumay dambiyadii Dagaalkii Labaad ee Adduukna oo dhintay Asagoo Hurda

0

Xeer ilaaliyihii ugu dambeeyay ee ka badbaaday dagaalkii labaad ee adduunka ee lagu maxkamadeeyay xubno tiro badan magaalada Nuremberg, ayaa ku dhintay da’da 103 sano jir.

Ben Ferencz, ayaa wuxuu ahaa 27 jir markii uu xaqiijiyay, in 22 sarkaal oo Nazi ah lagu helay dambiyo dagaal, iyo dembiyo ka dhan ah aadanaha.

Markaa Ka dib, ayaa waxa uu u ololeeyay in la sameeyo maxkamad caalami ah, si looggu qaado dambiyada dagaalka, hadafkaas oo la xaqiijiyay sanadkii 2002-dii.

Ferencz ayaa waxa uu dhintay isagoo hurdo fiidnimadii jimcaha, isagoo ku sugan goob lagu caweeyo oo ku taalla Boynton Beach, Florida.

Matxafka Holocaust ee Mareykanka, ayaa waxa uu u xaqiijiyey in dunidu uu ka baxay “hoggaamiyaha baadi goobka caddaaladda ee dhibanayaasha xasuuqa”.

Ferencz ayaa wuxuu ku dhashay Transylvania – oo ah qayb ka mid ah dalka Romania – 1920-kii, laakiin qoyskiisu ayaa waxay u haajireen Maraykanka markii uu yaraa, si ay uga baxsadaan nacaybka, iyagoo markii dambe degay magaalada New York.

Markii uu ka qalin jabiyay Dugsiga Sharciga ee Harvard 1943, ayaa wuxuu ku biiray Ciidanka Mareykanka, wuxuu ka qayb qaatay gelitaanki ciidamada huwanta ah ee Normandy iyo dagaalkii Bulge.

Waxa uu gaaray darajada Saajin, isagoo ugu dambayntii ku biiray koox loo xilsaaray baarista, iyo ururinta caddaymaha dembiyada dagaalka ee Nazi-ga.

Ad
Previous articleIsraa’iil oo ka fal celisay weeraro lagu soo qaaday buuraha Golan Heights
Next articleFaahfaahin Alshabaab miina aasaayay oo lag dilay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here