Home Wararka Maanta Xeelad cajiibka ah ee xubnaha Garbahaarey lagu geliyey xarunta Villa Hargaysa(Xog)

Xeelad cajiibka ah ee xubnaha Garbahaarey lagu geliyey xarunta Villa Hargaysa(Xog)

0

Kullankii baarlamaanka maanta ee ajandahiisa ahaa xil wareejinta ayaa waxaa ka qeyb galay xildhibaanada laga soo doortay Ceelwaaq iyo xubnihii lagu soo doortay Garbahaarey ee sheegaya xildhibaannimada.

Arrintan ayaa dhalisay buuq xooggan oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa, ayada oo xildhibaano badan ay layaab ku noqotay sida ay xubnaha Garbahaarey kusoo galeen xarunta maadaama aysan haysan kaarar aqoonsi.

Si kastaba, xog ay heshay calanka.net  ayaa sheegeysa in xubnaha Garbahaareey ay hab farsameysan ku galeen xarunta baarlamanka.

Kahor furitaanka kulanka baarlamaanka ayaa xubnaha Garbahaarey oo lagu soo daabulay gaadiid gaar ah, lana dhigay agagaarka Villa Uganda halkaasoo ay kasoo galeen Villa Hargeysa, waxaana buuq dheer kadib guddoonka baarlamaanka uu sheegay in kulanka uu yahay mid xil wareejin ah kaliya wax ajande kale ah oo uusan jirin.

Sida aan xog ku helnay, in xubnaha Garbahaareey gudaha u galaan xarunta baarlamaanka waxaa u fududeeyay saraakiil ka tirsan NISA iyo xildhibaan Kulane Jiis oo weli saameyn ballaaran ku leh hay’adda NISA.

Xildhibaanada Ceelwaaq ayaa horay ugu sugnaa xarunta baarlamaanka iyadoo la siiyay kaararka aqoonsiga, balse sidoo kale xubnaha Garbahaarey laga soo doortay ayaa loo sameeyay kaarar aqoonsiga oo FAKE ah oo aan sharci aheyn.

Ad
Previous articleKulankii Golaha Shacabka oo Furmay iyo Xildhibanadii Ceelwaaq iyo Garbahareey oo labaduba Fadhiya
Next articleDhageyso: Khudbadii Taliye Xajiir oo la kulmay Saraakiisha Ciidanka Booliska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here