Home Wararka Maanta Xasan Shiikh oo Shacab ka Muqdisho Hal Arin ka Raali Galiyay

Xasan Shiikh oo Shacab ka Muqdisho Hal Arin ka Raali Galiyay

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay xaaladda dalka, ayaa codsi iyo farriin u diray shacabka ku nool caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Madaxweynahaa ayaa si gaar ah bulshada caasimadda Muqdisho ugu adkeeyey in ay la shaqeeyaan ciidanka ammaanka oo u howlan fashilinta dhagarta ay u soo maleegayaan Al-Shabaab.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka garaabay jadadkii laga xiray bulshada caasimada maalmihii uu Muqdisho joogay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha oo xirraashihii wadooyinka ka raali geliyey reer Muqdisho ayaa bulshada ku nool magaaladaan u sheegay, in wadooyinka la xiro markii wafdi imaanayo looga gudbi doono oo kaliya, in laga adkaado Al-Shabaab.

“Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyey sida uu uga xun yahay jidadka la xiray muddadii uu martida u ahaa dalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, taas oo uu ku tilmaamay duruuf ay sababtay xaaladaha amni oo lagaga bixi doono dhammeystirka xoreynta deegaannada ay dalka kaga harsan yihiin argagixisada Alshabaab,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay Madaxtooyada Soomaaliya.

Shacabka Muqdisho oo aad u dhibsaday in wadooyinka laga xiro markii ay magaalada imaaneyso wafuud heer caalami ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay cadeeyey in arrintaan aan loo sii dul-qaada karin, halka dowladuna ay hadda tallaabadaas ka raali gelisay shacabka caasimadda.

Ad
Previous articleDad ku geeriyooday Qarax ka dhacay Turkiye(Sawiro)
Next articleMadaxweyne QOOR QOOR oo saddex arrimood kala hadlay safiirka Mareykanka U Fadhiya Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here