Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa goordhow gaaray magaalada Asmara ee dalka Eritrea, halkaasoo uga bilaabatay booqasho labo cisho maalin ah.
Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha, waa booqashadii 3aad oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku tago Eritrea 10 bilood oo Xafiiska uu joogo, waxaana isaga iyo Isaias ka wada hadli doonaan, xoojinta xiriirka, arrimaha gobolka, waxaana dEritrea tababar uga socda kumanaan Ciidamo ah oo dhowaan loo qaaday, iyadoo bilo ka hor qeybo ka mid ah ciidamadii muddada sanadaha dalkaas tababarka ku soo qaatay ay dalka dib ugu soo laabteen.
Ad