Home Wararka Somaliya Galmudug Xasan shiikh iyo Qoor Qoor oo Gaaray Degmada Ceeldheer ee Galmudug(Sawiro)

Xasan shiikh iyo Qoor Qoor oo Gaaray Degmada Ceeldheer ee Galmudug(Sawiro)

0

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo qeyb ay ka yihiin madaxweynaha Galmudug, xildhibaano, wasiirrada gaashaandhigga iyo arrimaha gudaha, taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo saraakiil kale ayaa hadda gaaray degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Xildhibaan Maxamed Cajiib iyo Xildhibaan Yaasiin Farey oo degmada Ceeldheer uga sii horeeyey wafdiga, qeybaha kala duwan ee bulshada, saraakiisha ciidamada qaranka iyo masuuliyiinta deegaanka ayaa halkaas ku soo dhaweeyey wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo masuuliyiinta uu hoggaaminayo oo saakay ka baxay Muqdisho ayaa tegay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, isaga ciidamada, maamulka iyo shacabka degmada Xarardheere ku dhiirigeliyey dagaalka ay kula jiraan kooxda Alshabaab.

Ad
Previous articleAlshabaabkii ugu Badnaa oo Maantay isasoo Dhiibay
Next articleGalmudug oo Gacanta Kusoo Dhigtay Gacan ku Dhiigle Baxsad ahaa(Sawiro)