Home Wararka Somaliya Galmudug Galmudug oo Gacanta Kusoo Dhigtay Gacan ku Dhiigle Baxsad ahaa(Sawiro)

Galmudug oo Gacanta Kusoo Dhigtay Gacan ku Dhiigle Baxsad ahaa(Sawiro)

0

Ciidamada booliiska ee ka howlgala deegaanka Galinsoor ee gobolka Mudug ayaa gacanta kusoo dhigay nin la sheegay in uu yahay gacankudhiigle, kaa oo sannadkii hore deegaan  lagu magacaabo deegaanka Xero Jaalle oo katirsan Puntland dil kasoo geestay.

Ninka dilka ku eedeysan oo lagu magacaabo Cabduldeeq Khaliif ayaa lagu qabtay deegaanka Galinsoor ayaa loo soo wareejiyay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug, halkaas booliiska Galmudug kusii wareejiyeen.

Taliska booliiska koonfurta Gaalkacyo ee maamulka Galmudug ayaana ninka gacankudhiiglaha ah maanta ku wareejiyay taliska qeybta booliiska gobolka Mudug qeybta Puntland iyo guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Feysal Sheekh Cali ayaa uga mahadceliyay maamulka Galmudug sida ay gacanta ugu soo dhigeen ninkan dilka ka geestay Puntland ee u baxsaday deegaanno katirsan maamulka Galmdug.

Ad
Previous articleXasan shiikh iyo Qoor Qoor oo Gaaray Degmada Ceeldheer ee Galmudug(Sawiro)
Next articleMarkii Ay Soo Muslimtay laba Maalin kadib ayay Ku geeriyootay Magaalo aan Qof ehel ah u joogin kadib Maxaa Dhacay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here