Home Wararka Somaliya Xasan Sheekh oo Sheegay in Madaxweyne Farmaajo dallka galiyay Xaalad hubanti la’aan...

Xasan Sheekh oo Sheegay in Madaxweyne Farmaajo dallka galiyay Xaalad hubanti la’aan ah

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo uu dalka galiyay xaalad hubanti la’aan ah oo horseedi karta mugdi.

Qoraal uu Xasan Sheekh soo dhigay barta uu Twitterka ku leeyahay ayuu ku sheegay in Farmaajo oo maanta mudo xileedkiisu ku egyahay dalka galiyay xaalad siyaasadeed oo mugdi galin karta mustaqbalka dalka.

“Waa xaqiiqo aan la jecleyn in madaxweynaha xilkiisu dhammaaday uu dalka geliyay xaalad hubanti la’aan ah oo mugdi gelin karta mustaqbalka dalka balse, Soomaaliya waxay leedahay shacab iyo haldoor ka samata bixin kara xaaladaha adag. Waxaan ku baaqayaa xasillooni iyo aragti wadaag” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo siyaasiyiinta kale ee mucaaradka ayaa horey uga digay in Farmaajo sameesto mudo kororsi, waxa ayna sheegeen in 8-Febraayo kadib aysan u aqoonsaneyn Madaxweyne sharci ah.

Farmaajo ayaa maanta ku beegan tahay maalintii la doortay afar sano kahor, waxaana mudo xileedkiisu dhamaaday xili wali aan loo diyaarsaneyn qabashada doorasho raali laga yahay uuna jiro khilaaf xoogan oo dib u dhac horseedi kara.

Ad
Previous articleBeesha Caalamka oo War kasoo saareysa xaalada siyaasadeed ee dalka xili cabsi jirta
Next articleWasiir ka tirsan Xukuumadda RW Rooble oo sheegay in dalka musuq maasuq weyn kajiro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here