Home Wararka Maanta Xasan Sheekh oo la kulmay Waalidiin Carruurtooda Eritrea loo qaaday Xili aan...

Xasan Sheekh oo la kulmay Waalidiin Carruurtooda Eritrea loo qaaday Xili aan wali lasoo wadacelin (Sawirro)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan xog-warran ah la qaatay guddiga waalidiinta ciidanka Soomaaliyeed ee tababbarka ku qaatay Dalka Ereteriya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ciidanka inta maqan ay dalka dib ugu soo laabanayaan, isla marka ay soo dhameystaan tababarooda si ay u gutaan waajibka qaran ee sida geesinnimada leh iyo dal-jacaylka ay u qaadeen.

Madaxweynaha ayaa waalidiinta u xaqiijiyay fulinta ballan-qaadkiisii ku aaddanaa in ay dib ula midoobaan ubadkooda, islamarkaana ciidamadu ay helaan waqti ay la qaataan qoysaskooda iyo ehelkooda.

Dhankooda, waalidka uu la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey mudnaanta uu siiyey xaaladda ubadkooda iyo sida degdegga ah ee uu u fuliyay balanqaadkiisii, taas oo daweysay tabashada iyo walwalka ay qabeen, waxa ayna muujiyeen farxaddooda ku aaddan in ubadkoodu ay ka qeyb-qaadan doonaan halganka dalka lagaga xoreynayo  Al-shabaab.

Hay’adda NISA oo rag ka tirsan Al-shabaab kusoo qabtay Howlgallo ay ka sameeyeen Dayniile iyo Dharkeenlay

War kasoo baxay Hay'adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidanka Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, oo howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada UAE oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi sare oo ka socda dawladda Imaaraatka Carabta, uuna hogaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada ee Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, ayna ku jiraan saraakiil sarsare oo ciidan iyo diblumaasiyiin galabta

Mucaaradka Turkiga ahna Duqa Istanbul oo lagu xiray Dalkaasi

Ekrem Imamoglu, Duqa Istanbul ahna hoggaanka xisbiga mucaaradka, tartan xooganna kula jira Madaxweyne Erdogan, ayaa saaka xabsiga loo taxaabay asaga iyo 100 siyaasi oo kale oo mucaaradka ah. Imamoglu waa

Dowlada Somaliya oo beenisay hadalka Puntland ee ku diiday Kaarka Aqoonsiga

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee xukuumada Somalia ayaa sheegtay Kaarka Aqoonsiga Qaran inuu yahay xaq Dadweyne oo ilaalinta xogtiisana ay yahay mid sugan. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay

Ciidan Tababar ahaan u joogay Turkiga oo isku Qacan Qaaday gudaha xerada Tababarka

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Askar Soomaali tababar u joogtay Turkiga oo kubbad ciyaarayay oo dagaal ka dhex qaraxay, taasina waxay keentay in ay dhawacmaan ilaa iyo 24
Ad
Previous articleHooyo Somaliyed oo Wiilkeeda oo 5 sano jir ah ku dishay Magaalada Columbus
Next articleNin Falastiini ah oo Qudus ka fuliyey weerar lagu laayey Israa’iiliyiin badan(Sawiro)