Home Wararka Maanta Nin Falastiini ah oo Qudus ka fuliyey weerar lagu laayey Israa’iiliyiin badan(Sawiro)

Nin Falastiini ah oo Qudus ka fuliyey weerar lagu laayey Israa’iiliyiin badan(Sawiro)

0

Nin hubeysan oo Falastiini ah ayaa toddoba qof ku dilay banaanka kaniisad Yahuudda ay ku leeyihiin magaalada Qudus, isaga oo fuliyey mid ka mid ah weeraradii ugu dhimashada badnaa ee muddo lala beegsado Israa’iiliyiinta.

Toogashada ayaa timid maalin kadib markii xiisadda Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta ay sii xumaatay, ayada oo ciidamada Israa’iil ay sagaal qof ku dileen weerar ay ku qaadeen Daanta Galbeed, halka Falastiiniyiinta ay gantaallo kasoo tureen Gaza.

Madaxa booliska Israa’iil Kobi Shabtai ayaa weerarka ugu yeeray “mid ka mid weeraradii ugu xumaa ee aan sanadahan la kulanno.” Wuxuu yimid maalin ay Yahuuddu xusayeen xasuuqii Holocaust ee dagaalkii labaad ee adduunka.

Booliska aya asheegay in “qiyaastii 8:15 pm uu nin hubeysan yimid aagga waddada Neve Yaakov ee magaalada Qudus kadibna uu billaabay inuu toogto dad goobta ku sugnaa.”

“Weerarka argagixiso ayaa dhaliyey dhimashada toddoba qof iyo dhaawaca saddex kale,” ayey yiraahdeen booliska.

Waxa ay intaas ku dareen in ninka weerarka fuliyey uu goobta ka cararay, balse durba la daba-galay, ugu dambeynna la toogtay kadib rasaas ay is-weydaarsadeen booliska.

Booliska ayaa ku sheegay dableyga inuu ahaa Falastiini degan Bariga Qudus, oo Israa’iil ay ka goosatay Falastiin kadib Dagaalkii Lixda Maalmood ee 1967-kii.

Rabshadaha sare usii kacaya ayaa yimid bil kadib markii dowlad cusub, oo uu hoggaaminayo Benjamin Netanyahu ay la wareegtay awoodda Israel.

Netanyahu iyo wasiirkiisa xagjirka midigta-fog ah ee Itamar Ben-Gvir ayaa goobta booqday isla habeenkii Jimcaha, ayada oo dadweyne ay ku qeylinayeen “Carabtu ha dhintaan.”

Netanyahu ayaa sheegay in golihiisa wasiirada amniga ay kulmi doonana dhowaan, kuna dhowaaqi doonaan “tallaabooyin deg deg ah” oo jawaab ah.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa soo saaray bayaan lagu sheegay in madaxweyne Biden uu cambaareeyey weerarka, kuna amray kooxdiisa amniga qaranka inay caawimaad u yaboohaan dhiggooda Israel.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleXasan Sheekh oo la kulmay Waalidiin Carruurtooda Eritrea loo qaaday Xili aan wali lasoo wadacelin (Sawirro)
Next articleAlshabaab oo Markale Afduub Ka Gaystay Gobalka Hiiraan