Home Wararka Maanta Xasan shiikh oo Canaan Kala Duldhacay Gudoomiye Madaale iyo Golaha Wasiirada Soomaaliya(Sawiro)

Xasan shiikh oo Canaan Kala Duldhacay Gudoomiye Madaale iyo Golaha Wasiirada Soomaaliya(Sawiro)

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan deg-deg ah, kaasi oo uu shir-guddoomiyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadlayey saameynta ka dhalatay roobabka wata daadadka xooggan ee ka da’ay qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka.

Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan gurmadka socda ka dhageystay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo sheegay in xukuumaddu ay guddi heer qaran ah u saartay wax u qabashada dadka Soomaaliyeed ee ay saameysay El-Niño.

Madaxweynaha oo kulanka ka hadlay ayaa waxa uu ku ammaanay xukuumadda dadaalka ay gelisay samata-bixinta dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen roobabka iyo daadadka, isaga oo ku boorriyay xubnaha guddiga in ay labo jibbaaraan dadaalkooda.

Sidoo kale waxa uu ku baaqay in dadka looga digo inay ka fogaadaan goobaha qatarta ah, sida meelaha godan iyo goobaha biyo mareennada ah.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale, oo kulankan aan caadiga ahayn ka qayb-galay ayaa wuxuu Golaha warbixin ka siiyay saameynta roobabku ku yeesheen gobolka Banaadir iyo dadaalka la xiriira arrintan ee uu wado maamulka gobolka.

Ugu dambeyntiina waxaa kulanka golaha lagu meel-mariyey xeer-nidaamiyaha nidaamka xaqiijinta macaamilaadka maaliyadeed iyo hubinta tayada Isgaarsiinta, kaasi oo looga gol-leeyahay in lagu maamulo dhammaan arrimaha la xiriira la-socodka iyo kor-joogteynta macaamilaadka iyo tayada adeegyada Shirkadaha Isgaarsiinta dalka.

Ad
Previous articleIsraa’iil oo ku hanjabtay in wixii Qasa ay ka sameysay ay Beirut ka sameeyn doonto
Next articleCiidamada Israel oo gaaray irdaha cisbitaalka weyn ee magaalada Gaza

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here