Home Wararka Maanta Israa’iil oo ku hanjabtay in wixii Qasa ay ka sameysay ay Beirut...

Israa’iil oo ku hanjabtay in wixii Qasa ay ka sameysay ay Beirut ka sameeyn doonto

0

Xasan Nasrallah oo ah hoggaamiyaha kooxda Xisbullah ee ay Iiraan taageerto ee Lubnaan ayaa khudbadiisii labaad ee uu kaga hadlayay dagaalkii Israa’iil iyo Xamaas jeediyay Sabtidii lasoo dhaafay.

Khudabaddan oo laga sii daayay TV-ga Xisbullah ee Al-Manar ayaa Nasrallah ku sheegay in Israa’iil aysan marnaba awoodi doonin inay gaarto hadafkeeda ku saabsan dhulka Falastiin, waxaana uu yiri “waxaa aad uga soo horjeedi doona jiilalka soo socda.”.

Nasrallah ayaa sheegay in weerarada ka dhanka ah Israa’iil ee ka dhacaya koonfurta Lubnaan ay sii socon doonaan. Wuxuu sheegay in weeraradan ay yihiin kuwo lagu taageerayo Falastiiniyiinta.

Narsallah ayaa ku andacoodey in todobaadki ugu dambeeyey ay Xisbullah kordhiyeen weerarada ka dhanka ah Israa’iil ayna adeegsadeen gantaallo aad u awood badan marka laga soo tago diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Waxa uu sheegay in Xisbullah ay weeraro hor leh ku qaadeen deegaanada gudaha ee Israa’iil

Nasrallah ayaa khudbadiisa sidoo kale ka codsaday wadamada Islaamka inay u midoobaan sidii ay uga hortagi lahaayeen Israa’iil.

​Israa’iil ayaa si adag uga jawaabtay hadalka Nasrallah. Wasiirka difaaca Israa’iil Yoav Gallant ayaa khudbadii Nasrallah ka dib sheegay in Xisbullah ay sameynayso khalad weyn, isagoo ku hanjabay in wixii ay Israa’iil Qasa ka sameysay ay Beirut ka dhici doonaan.

“Xaaladda Beirut waxa ay la mid noqon doontaa tan Qasa oo ay dadku ka baxayeen guryahoodii oo ay ka cararayeen,” ayuu yiri Yoav Gallant.

Ad
Previous articleCiidamo Katirsan Gor gor oo Markale Maantay Gaaray Koonfurta Gobalka Mudug iyo Dhaqdhaqaaqyadii Udanbeeyey oo Socda(Sawiro)
Next articleXasan shiikh oo Canaan Kala Duldhacay Gudoomiye Madaale iyo Golaha Wasiirada Soomaaliya(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here