Home Wararka Maanta Ciidamada Israel oo gaaray irdaha cisbitaalka weyn ee magaalada Gaza

Ciidamada Israel oo gaaray irdaha cisbitaalka weyn ee magaalada Gaza

0

Ciidamada Israel ayaa gaaray irdaha cisbitaalka weyn ee magaalada Gaza Isniintii, kaasoo ahaa bartilmaameedka koowaad ee dagaalka ay ku doonayaan inay kula wareegaan qaybta waqooyi ee marinka Qaza, halkaasoo dhakhaatiirtu ay sheegeen in bukaannada ay ku jiraan dhallaanka cusub ay u dhimanayaan shidaal la’aan.

Afhayeenka wasaaradda caafimaadka Gaza Ashraf Al-Qidra, oo ku sugan gudaha isbitaalka Al Shifa, ayaa sheegay in 32 bukaan ay dhinteen saddexdii maalmood ee la soo dhaafay, oo ay ku jiraan saddex carruur ah oo dhawaan dhashay, taasoo ka dhalatay go’doominta isbitaalka iyo koronto la’aan.

Dhakhaatiirta Isbitaalka Al-Shifa ayaa diiday amar qasab ah oo ka yimid ciidamada Israel kaasoo sheegaya iney ka baxaan isbitaalka, sababtoo ah waxay ka baqayaan in ku dhawaad ​​700 oo bukaan oo halis ku jira ay dhintaan hadii laga tago, sida uu sheegay Dr. Munir Al- Bursh, agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza.

“Dhibaatadu maaha dhakhaatiirta, ee waa bukaannada. Haddii laga tagona way dhiman doonaan, haddii la isku dayo in wareejiyana jidka ayay ku dhimanayaan, dhibka jira waa kan, waxaanu ka hadlaynaa 700 oo bukaan,” ayuu yiri Dr. Al-Bursh

Ma jirto ayuu yiri wax jawaab ah oo ilaa hadda dhakhaatiirtu ay ka heleen ciidamada Israel ee hareereyey Isbitaalka, laakiin waxaa uu xusay in qaar ka mid ah dadka barakacay iyo qoysaskii halkaas gabaadsanayey ay ka baxeen dhismaha isbitaalka, iyagoo maraya marin ay fureen ciidamada Yuhuuda

Dhowr kun oo qof ayaa ku jiray dhismaha isbitaalka, sida ay sheegeen dhakhaatiirta isbitaalka.

Amarka daad-gureynta, sida uu sheegay Dr. Al-Bursh, ayaan la xiriirin hay’adaha samafalka caalamiga ah, sida Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah. Iskudubarid la’aanta ayaa kor u qaadaysa welwelka ku saabsan badbaadada iyo suurtagalnimada wareejinta tirada badan ee bukaannada, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah ay ku jiraan xaalad halis ah oo sababi karta iney ku dhintaan gaadiidka.

Ciidamada Yuhuuda ayaa gaaray agagaarka isbitaalka Al-Shifa ka dib dagaalo culus oo halkaas ka dhacayey maalmahan oo dhan,

maanta duhuradii ayey ciidamada Israel waxay ku dhawaaqeen in marin nabdoon oo ayu fureen dadka deggan waqooyiga Qaza.

Afhayeen u hadlay ciidamada Israel ayaa sheegay Axadii in inta badan isbitaalada Rantiisi iyo Al-Nasr, oo labaduba ku yaal Waqooyiga Gaza, ay ku dhawaad ​​gabi ahaanba daad gureeyeen.

Axadii, Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) ayaa sheegtay inaysan xaqiijin karin wax daad gureyn ah oo laga sameeyey  Isbitaalka Al-Shifa  ee waqooyiga Gaza.

Israa’iil waxay si isdaba joog ah u sheegtay in Isbitaalka Al-Shifa ee ugu weyn Gaza hoostiisa ay ku taal xarun taliska Hamas, taasoo Xamaas iyo saraakiisha isbitaalku ay beeniyeen.

Ad
Previous articleXasan shiikh oo Canaan Kala Duldhacay Gudoomiye Madaale iyo Golaha Wasiirada Soomaaliya(Sawiro)
Next articleWar Deg Deg ah: ninkii Dhawaan Bartaha Guriceel ku Dilay Cabdullahi Cali Huudeey oo Gacanta Lagu soo Dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here