Home Wararka Somaliya Somaliland Xarunta xuquuqul insaanka madaxa-banaan ee Somaliland oo Si adag iga Hadashay Shacabkii...

Xarunta xuquuqul insaanka madaxa-banaan ee Somaliland oo Si adag iga Hadashay Shacabkii lagu laayay Laasacanood

0

Xarunta xuquuqul insaanka madaxa-banaan ee Somaliland ayaa cambaareysay in hub loo adeegsado dadka rayidka ee bannaanbaxyada ka wada magaalada Laascaanood.

Xarunta ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku dalbatay in baaritaan lagu sameeyo gacanta adag, ee ay ciidamadu ku wajahayaan dadka shacabka ee ka gadoodsan dilalka ku soo noqnoqday magaaladaas.

Xarunta xuquuqul insaanka Somaliland ayaa ku baaqday in la xushmeeyo xaqa banaan-baxayaasha iyo codkooda, sida uu dastuurka siinayo.

Sidoo kale, Dowladda Maraykanka ayaa shalay ka hadashay dhibaatada haatan ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Qoraalka kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxa lagu sheegay in Mareykanka uu codkiisa ku biirinayo dadka ku baaqaya in xaaladda la dejiyo.

“Wararka ku saabsan rabshadaha Laascaanood, waxaan codkeena ku biirinaynaa dadka ku baaqaya in xaaladda la dejiyo,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Waxa kale oo lagu yiri qoraalka Safaaradda “Nabadda iyo kala dambaynta waa in la ilaaliyo, lagana dhowrsado dagaal lagu waxyeeleynayo shacabka iyo burburinta hantida.”

Ad
Previous articleMadaxweynihii hore ee Somaliya oo si kulul uga hadlay Dhibaatada Ciidanka Somaliland ee Laascaanood
Next articleAlshabaabkii Ku Sugnaa Galmudug oo Bolaabay inay Dhexdoodu islaayaan Xili Dagaal Qaraar ku Dhexmaray Degaano Ka Tirsan Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here