Home Wararka Maanta Xamse Cabdi Barre: Siduu u wajihi doonaa arrimahan xasaasiga ah

Xamse Cabdi Barre: Siduu u wajihi doonaa arrimahan xasaasiga ah

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay raysal wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ah xildhibaan laga soo doortay Jubbaland 30 maalin kadib markii uu ku guuleystay doorashada madaxweynenimada. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Xamsa, oo la rumeysan yahay inay aqoon dheer oo shaqsi ah isu leeyihiin, in uu ku doortay kartida iyo waayo-aragnimo.

Kahor inta aan loo dooran xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, waxa uu Xamse soo noqday guddoomiyaha guddiga doorashada Jubbaland intii u dhaxeysay 2019kii – 2020kii, guddigaas oo maamulay doorasho lagu murmay.

Haddaba, magacaabista kadib, maxay tahay tilaabooyinka xiga iyo arrimaha waa weyn ee horyaal raysal wasaaraha cusub.

Magacaabista kadib iyo ololeha codka kalsoonida ee Golaha Shacabka

Magacaabista Raysal wasaare Xamse Barre kadib, waxaa xigi doono howl adag oo u billaaban doonto madaxweynaha iyo raysal wasaaraha magacaaban. Waa howsha olole iyo kalsooni u raadinta raysal wasaaraha oo ay tahay in si deg deg ah loo horgeeyo Golaha Shacabka si ay u ansixiyaan. Ansixinta hore ee Raysal wasaaraha ma dhib badna sida laga bartay taariikhda hore, laakiin haddana waxa uu Raysal Wasaaraha cusub u baahan yahay in uu helo ugu yaraan 139 cod oo ka mid ah 275 xubin ee golaha shacabka.

Waxa fududeeya ansixinta wasiirka koowaad waa rajada dhinacyada oo dhan ay ka qabaan xubinnimada golaha wasiirada, iyo balamaha iyo danaha siyaasadeed ee kale. Laakiin mid marwalba si fudud lagu helo karo. Golaha Shacabka ee maanta waa mid ka kooban kudlooyin la rumeysan yahay inay aad ugu kala fog yihiin aragtiyaha iyo danahooda siyaasadeed.

Waxaa golaha wada fadhiyo xubnaha taabacsan madaxweynihii hore ee Soomaaliya, xubno ku xiran madaxweynaha Puntland, iyo kan Jubbaland, iyo xitaa kuwo la olog ah kuwa raacsan madaxweyneyaasha Galmudug iyo Hirshabelle. Sidaas si la mid ah, xildhibaanada qaar ayaa raacsan madaxweynaha Koonfur galbeed, oo mar loo maleeyo inay noqon karaan kudlada ugu xoogan ee dhinac u wada codeyn kara.

Ad
Previous articleShiinaha oo jawaabtii ugu adkayd ka bixiyay hadal uu yiri Joe Biden
Next articleShacabka jigjiga maxay ka Yiraahdeen Raysulwasaraha cusub ee la magacaabay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here