Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Xabad joojin lakala Dhex Dhigay CiidamonBeeleedyo uu Dhex maray Dagaal dhiigbadan Ku...

Xabad joojin lakala Dhex Dhigay CiidamonBeeleedyo uu Dhex maray Dagaal dhiigbadan Ku Daatay

0

Guddiga kormeerka Xabad Joojinta iyo kala qaadistii ciidamo Beeleedkii ku dagaalamay inta u dhaxeysa degmooyinka Raage-Ceelle iyo Cadale ayaa maanta kormeer xaqiijin dhaqan-galka heshiiska ah ku tagay goobihii lagu dagaalamay todobaadkii lasoo dhaafay.

Guddigaan oo ka kooban Wasiirada Arrimaha Gudaha, Maaliyadda iyo Dib u heshiisiinta islamarkaana ay wehliyaan Xildhibaanada Baarlamaanka HirShabeelle ku matala labada beel, maamulka Gobalka iyo maamulada degmooyinka ayaa tagay degaanada Boos Muluq, Geyfo, Ceel Xarar iyo Bursho Sheekh oo ah meelihii lagu balamay in ciidamada labada dhinac la geeyo.

Xaalad daganaansho ah iyo jawi nabadeed ayaa laga dareemayaa degaanadii maalmahaan colaadda ka taagneed waxaana la filayaa in dhowaan si rasmi ah u bilaawdo wadahadalada beelaha Cabadalla Caroone iyo Maxamed Muuse oo dhaxmartay colaad ay ku dhinteen dad badan.

Ad
Previous articleGudoomiye Geedaqaroow oo Shaqaalihii Waaxyaha maamulka Dhuusomareeb oo shaqada ka eryay
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Dilka Loogaystay Wasiir Xasan Axmed Muudey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here