Home Wararka Somaliya Galmudug Gudoomiye Geedaqaroow oo Shaqaalihii Waaxyaha maamulka Dhuusomareeb oo shaqada ka eryay

Gudoomiye Geedaqaroow oo Shaqaalihii Waaxyaha maamulka Dhuusomareeb oo shaqada ka eryay

0

Gudoomiyaha magaalada Dhuusamareb ee caasimadda maamul goboleedka Galmudug ayaa Kala diray dhammaan shaqalahaha xafiisyada waaxyaha kala duwan ee maamulka Dhuusomareeb.

Wareegto uu soo saaray guddoomiyaha Dhuusomareeb Cabdiraxmaan Cali Geedaqorow ayuu ku sheegay in dhammaan lakala diray shaqaalaha waaxyaha kala duwan ee maamulka degmada.

Guddoomiye Geedaqorow ayaa ku war-galiyay in aysan maanta kaddib aysan shaqaalaha lakala diray aysan soo xaadiri karin xafiisyada, waxa uuna u rajeeyay nasiib wacan iyo in ay helaan shaqo ka wannaagsan tii hore u heesteen.

Ma shaacin guddoomiyaha caasimadda Dhuusomareeb sababta uu hal mar shaqada uga wada diray dhammaan shaqaalihii kala duwanaa ee xafiisyada waaxyaha kala duwan ee maamulka , waxa ayna dadka qaar tuhmayaan in uu doonayo in dad kale oo cusub qorto.

Ad
Previous articleBooliiska Muqdisho oo soo bandhigay saddex eedeysane iyo Dambiga ay galeen oo…..
Next articleXabad joojin lakala Dhex Dhigay CiidamonBeeleedyo uu Dhex maray Dagaal dhiigbadan Ku Daatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here