Home Wararka Maanta Xaaladda oo sii adkaatay iyo Israa’iil oo banneysay magaalooyin ku dhow Gaza

Xaaladda oo sii adkaatay iyo Israa’iil oo banneysay magaalooyin ku dhow Gaza

0

Ciidamada Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in 24-ka saac ee soo socda ay dhammaan dadkooda ka daad gureeyeen magaalooyinka u dhow xadka Gaza, iyadoo uu sii xoogeysanayo dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil, Daniel Hagari ayaa yiri, “Howsha u taalla ciidamada 24-ka sax ee soo socda waa inay ka saran dhammaanba dadka deggan agagaarka Gaza,”isagoo carrabka ku adkeeyay in dagaalka uu sii soconayo si “loo badbaadiyo dadka la heysto” ee ay qabsadeen kooxda Falastiiniyiinta.

Ciidamada Israa’iil ayaa dagaal kula jira dagaal-yahannada Falastiiniyiinta ee dhulkooda galay waxayna bambaanooyin ku garaacayaan Marinka Gaza.

Ciidamada garabka milatariga ee Xamaas, ee Al-Qassam Brigades ayaa sheegay inay muddo saacado gudahood ah ku dhawaaqi doonaan “tirada dadka laga heysto Israa’iil,”.

Israa’iil, ayaa dhankeeda in ka badan 3,000 oo gantaal ah ku gantay Marinka Gaza, waxaana ka dhashay dhimashada ilaa 200 oo qof iyo dhaawaca in ka badan kun qof dhanka Israa’iil.

Dhanka kale, wasaaradda caafimaadka Israa’iil ayaa sheegtay in tirade dadka ay waxyelladu gaartay ilaa iyo shalay ay tahay 2,048, oo ay ku jiraan 330 qof oo dhaawacoodu daran yahay, halka warbaahinta Israa’iil ay tebinayaan in tirada dhimashada ay gaartay 500 oo qof.

Ciidamada Israa’iil ayaa ku dhawaaqay inay madaafiic ku garaaceen deegaannada koofurta Lubnaan iyagoo ka jawaabaya rasaas dhankaas uga timid, sida laga soo xigtay war rasmi ah oo saakay kasoo baxay ciidamada Israa’iil.

Warka ayaa intaas ku daray in”Madfac Israa’iil ka yimid u uku dhacay deegaanka ay rasaastu ka timid ee ku yaalla Lubnaan,” iyadoo aan la faahfaahin waxa uu weerarku yahay.

Raadiyaha ciidamada Israa’iil ayaa isna hore u xaqiijiyay in madaafiic laga soo ganay dhanka Lubnaan laguna beegsaday waqooyiga Israa’iil.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Macawislayda Beesha Abgaal oo Dagaal Culus ku Qaaday Alshabaab
Next articleIsraa’iiliyiin ka sheekeeyay yaabkii ay la kulmeen markii ay falastiiniyiintu albaabada ku soo garaaceen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here