Home Wararka Maanta Israa’iiliyiin ka sheekeeyay yaabkii ay la kulmeen markii ay falastiiniyiintu albaabada ku...

Israa’iiliyiin ka sheekeeyay yaabkii ay la kulmeen markii ay falastiiniyiintu albaabada ku soo garaaceen

0

Markii uu shalay bilowday dagaalka ay ciidmada hubaysan ee Falastiiniyiinta ah ku qaadeen koonfurta Israa’iil , dad badan oo Israa’iiliyiin ah ayaa la sheegayaa in ay ciidamada lasoo xiriirirayeen iyagoo guryahooda ku xayiran, kadib markii dagaalyahannada falastiiniyiinta ay galeen magaalooyinkooda iyo tuulooyinkooda iyagoo ku qaaday weerar lama filaan ah.

Qaar badan ayaa dhuumanaya, iyagoo sheegaya inay maqlayaan rasaas, halka qaar kalena aysan heli karin dadka maqan.

“Argagixisadu waxay isku dayayaan inay soo galaan gurigayga,” Ayelet Hachim ayaa u sheegtay Channel 12, iyada oo ku sugan gurigeeda oo ku yaal magaalada Kibbutz Beeri, oo u dhow marinka Gaza.

“Waxaan maqlayaa codkooda oo albaabka ayay garaacayaan, waxaanan la joogay labadayda carruurta ah.”

Israa’iil ayaa u sheegtay dadka rayidka ah ee u dhow xadka in ay ku ekaadaan guryaha. Laakin, dadka deegaanka ayaa sheegay in mintidiin Falastiiniyiin ah ay isku dayayeen in ay galaan guryaha.

Waa mid ka mid ah xiisadihii ugu darnaa ee soo mara Israa’iil iyo Falastiiniyiinta muddo sannado ah iyadoo dagaalyahanno ka tirsan kooxda Xamaas ay Israa’iil uga soo gudbeen Qaza subaxnimadii, iyagoo isticmaalaya mootooyin, baarashuudyo iyo doonyo ay ksuoo qaadeen weerar aan hore loo arag.

Waxay sheegeen inay maxaabiis ahaan u kaxeysteen daraasiin Israa’iiliyiin ah.

Weerarkan oo ahaa mid aan horay loo arag oo Xamaas ay soo qaadday ayaa waxaa daba socday gantallo kumanaan ah oo lagu weeraray Israa’iil.

Maleeshiyada ayaa sheegtay in ay rideen kumaan kun oo gantaalo ah-iyada oo qaarkood ay ku bartilmaameedsadeen magaalooyinka Tel Aviv iyo Jerusalem.

Qoraaga Ingiriiska ahna saxafi Gideon Levy, oo ku sugan Tel Aviv, ayaa BBC u sheegay: “Waddooyinka gabi ahaanba waa faaruq, maqaayadaha, kafateeriyada wax walba waa xiran yihiin, waxaana jira dareen culus oo la yaab leh, naxdin iyo cabsi laga qabo waxa wali la filayo inay dhacaan.

Ilaha Israa’iil ayaa sheegay: “Maalmihii rabshadaha ugu badnaa ee Israa’iil tan iyo Dagaalkii Oktoobar 1973”

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in dagaal fool-ka-fool ah uu xalay dhex maray ciidammada Israa’iil iyo boqolaal dagaalyahannada Xamaas ah oo ka dhacay ugu yaraan 22 goobood oo Israa’iil ah, oo ay ku jiraan ugu yaraan laba goobood oo ay mintidiintu ku haystaan.

Ugu yaraan 300 oo Israa’iiliyiin ah ayaa lagu dilay weerarka dhulka, cirka iyo badda ah ee ay qaadeen Xamaas. In ka badan 1,000 qof ayaa ku dhaawacmay.

Saraakiisha Gaza ayaa sheegay in in ka badan 230 qof oo reer Qaza ah la dilay markii Israa’iil ay kaga jawaabtay weerarro “argoosi ah”.

Milatariga Israel ayaa ka digay in dagaalyahanada Xamaas ee socda Gaza ay wali ka dagaalamayaan gudaha Israa’iil kadib markii ay gudaha u galeen dhinaca oo la sheegay inay ku dhinteen in kabadan 300 oo qof.

Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa u sheegay Israa’iiliyiinta inay galayaan “dagaal dheer oo adag”.

Boqollaal dabley ah ayaa ku soo duulay koonfurta Israa’iil, kuwaas oo dilay askar iyo dad rayid ah, waxayna gudaha u galeen Qaza.

Israa’iil ayaa ku jawaabtay duqeymo xagga cirka ah.

In ka badan 200 oo qof ayaa la dilay, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ee Falastiiniyiinta, dadka reer Gazana waxa ay heleen farriimo qoraal ah oo Israa’iil ka yimid oo loogu sheegayo inay ka baxaan guryahooda oo ay u guuraan xarumaha magaalada ama melo ka baxsan aagagga Xamaas.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa farriin uu soo diray ku sheegay in dagaalka ay khasbeen Xamaas oo weerar culus kusoo qaadday, “waxaan marxaladda ugu horreysa ay dhammaan doontaa saacadaha soo socda, markaasoo inta badan dagaalyahannada ku sugan dhulka Israa’iil la baabi’inayo. Israa’iil waxay soo celin doontaa ammaanka muwaadiniinteeda wayna guuleysan doontaa”, ayuu raaciyay.

Dowladda Israa’iil ayaa sidoo kale sheegtay in ay jareyso korontada, shidaalka iyo badeecooyinka Gaza.

Ad
Previous articleXaaladda oo sii adkaatay iyo Israa’iil oo banneysay magaalooyin ku dhow Gaza
Next articleHoobiyayaal lagu Garaacay Muqdiaho iyo Guri uu daganaa Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka soomaaliya oo Hoobiye Ku Dhacay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here