Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Wararkii ugu Danbeeyey Macawislayda Beesha Abgaal oo Dagaal Culus ku Qaaday Alshabaab

Wararkii ugu Danbeeyey Macawislayda Beesha Abgaal oo Dagaal Culus ku Qaaday Alshabaab

0

Dagaal culus ayaa galabta ilaa caawa ka dhacay aagga deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud, kaas oo u dhaxeeyey Al-Shabaab iyo ciidamo is abaabulay oo dadka deegaanka ah.

Dagaalkaas wuxuu ka dhacay deegaanada Ceelka-Jowle iyo Ceel Xasan Cali oo u dhow deegaanka Budbud ee Gobalka Galgaduud.

Dagaalka ayaa qarxay galabta casir-liiqii, kadib markii ciidamo Macawiisley deegaanka ah ay kooxda Al-Shabaab ku weerareen goobo ay iska soo abaabulayeen.

Sarkaal lagu magacaabo Hagar Barre Qanyare ayaa hoggaaminaya ciidanka weeraray kooxda Al-Shabaab, waxayna shaaciyeen caawa fiidkii inay guuleysteen.

Saraakiisha ciidanka deegaanka ayaa sheegay inay soo afjareen kooxdii ay ku weerareen aagga deegaanka Budbud, isla markaana ay ka soo furteen hubkoodii.

Weerarkaas oo gaadmo ahaa ayaa kooxda Al-Shabaab ku noqday filan waa, kadib markii lagu weeraray dhul howd ah oo iyagu ay weerar ka soo abaabulayeen.

Xogta laga helay kooxdii Shabaab ee isku soo abaabuleysay halkaas waxay tilmaameysaa in kooxdu damacsaneed inay weerar cagmarin ah ku qaado ciidamo ka tirsan xoogga dalka ee ku sugan deegaanka Cali Axmed ee gobolka Sh/Dhexe.

Ciidanka xoogga dalka ayaa talis weyn ku leh deegaanka Cali Axmed, waxaana laga Hortegay dhagar loo soo maleegay taliskaas, ciidamada Macawiisley ee weeraray kooxda ayaa sheegay inay soo afjareen Shabaab-kii ay galabta ku weerareen aagga Budbud.

Maadaama ay tahay xili habeen ah, ilaa hadda lama soo bandhigin sawirro muujinaya maleeshiyaadka howlgalkaas looga laayey Al-Shabaab, balse saraakiishu waxay balan qaadeen inay saacadaha soo socda soo bandhigi doonaan sawirada Khawaarijtii ay laayeen

Ad
Previous articleHooyo iyo Afar Caruur ah ay Dhashay oo Si naxdin leh ugu Geeriyooday Finland iyo aabaha Qoyska kaliya oo Badbaaday
Next articleXaaladda oo sii adkaatay iyo Israa’iil oo banneysay magaalooyin ku dhow Gaza

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here