Home Wararka Maanta Wixii Sababay Dabkii Bakaaraha Ka Kacay Saakay oo La ogaaday

Wixii Sababay Dabkii Bakaaraha Ka Kacay Saakay oo La ogaaday

0

Faah-faahino dheeri ah iyo macluumaad cusub ayaa waxaa laga helayaa dabkii xooganaa ee maanta ka kacay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in dabka uu ka dhashay qarax la dhigay goob qashin ah oo ku taalla suuqa kadibna uu sidaas ugu sii fiday goobo kale, taas oo sababtay gubashada.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay qaraxa dhacay kahor inta uusan kicin dabka, waxaana jira dhaawacyo kale, sida uu xaqiijiyay afhayeenku.

Sidoo kale waxaa jira khasaare baaxad leh oo uu gaystay dabka saaka qabsaday qayb kamid ah suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

“Goobaha ganacsiga ee gubtay waa 12 boos, waana wax roon iyo wax toos u gubtay” ayuu yiri mid kamid ah ganacsatada suuqa weyn ee Bakaaraha.

Dhaq-dhaqaaqa suuqa ayaa sidoo kale hakad galay, waxaana saameyn guud ku yeeshay dabka maanta ka kacay halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana suuqa gaaray mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir oo ka warbixiyay xaaladda guud ee suuqa.

Gubashada suuqa Bakaaraha ayaa marar badan soo laa-laabatay, dowladduna ma baarto sababta keenta dabka sanad kasta ugu yaraan hal mar ka kaca suuqa Bakaaraha.

Ad
Previous articleItoobiya oo Ku faantay inay Amniga Soomaaliya intabadan Gacanta Ku hayso
Next articleHoobiyayaashii lagu Garaaci jiray Muqdisho oo Lasoo Qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here