Home Wararka Maanta Itoobiya oo Ku faantay inay Amniga Soomaaliya intabadan Gacanta Ku hayso

Itoobiya oo Ku faantay inay Amniga Soomaaliya intabadan Gacanta Ku hayso

0

Taliyaha ciidanka difaaca Itoobiya Feild Marshal Birhanu Jula oo wareysi soconayey 2 saacadood iyo dheeraad siiyey warbaahinta dalkiisa, ayaa sheegay in aysan dawladda Soomaaliya fadhiyin oo ku nagaan karin caasumada Muqdisho, haddii ay ciidamada Itoobiya ka baxaan Soomaaliya.

Birhanu ayaa ku eedeeyey dawladda Soomaaliya labo codleyn, marna amaanaysa dhankooda marna maagaysa, taas oo uu sheegay in aysan sax aheyn oo ay dafiicnimo tahay.

Taliyahan ayaa sheegay in ay amniga Soomaaliya 60% gacanta ku hayaan, deegaanada Jubbaland, Gedo, Koonfur Galbeed & Baladweyne ayuu sheegay in ay shacabku ay iyaga kuqanacsan yihiin la joogidooda, oo haddii ay baxaan (Ciidanka Itoobiya) ay u sheegayaan in ay raacayaan oo aysan ka hareynin.

 

Ad
Previous articleAskarigii haraatiyay dadka tukanaya oo talaabo laga qaaday iyo dad masuuliyiin ah oo ka hadlay
Next articleWixii Sababay Dabkii Bakaaraha Ka Kacay Saakay oo La ogaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here