Home Wararka Maanta Hoobiyayaashii lagu Garaaci jiray Muqdisho oo Lasoo Qabtay

Hoobiyayaashii lagu Garaaci jiray Muqdisho oo Lasoo Qabtay

0

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa maanta jawaab ka bixiyay weerarkii loo adeegsaday hoobiyeyaasha ee xalay lagu garaacay xaafado ka tirsan magaalada gudaha Muqdisho.Hoobiyeyaasha ayaa laga soo tuuray dhinaca degmada Yaaqshiid, sida ay shaaciyeen saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya.

Saddex ka mid ah waxaa la xaqiijiyey inay ku kala dhaxeen degmooyinka Boondheere iyo Cabdicasiis, waxaana la soo weriyey khasaare aan badneyn.

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhaawacmay hoobiyihii koowaad oo ku dhacay gudaha xerada gaadiidka ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ku taalla degmada Cabdicasiis.

Hoobiyeyaasha ayaa laga soo tuuray dhinaca degmada Yaaqshiid, sida ay shaaciyeen saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya.

Saddex ka mid ah waxaa la xaqiijiyey inay ku kala dhaxeen degmooyinka Boondheere iyo Cabdicasiis, waxaana la soo weriyey khasaare aan badneyn.

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhaawacmay hoobiyihii koowaad oo ku dhacay gudaha xerada gaadiidka ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ku taalla degmada Cabdicasiis.

Afhayeenka booliska Qaasim Axmed Rooble oo maanta shr jaraa’id ku qabtay degmada Dayniile ayaa soo bandhigay hoobiyeyaal iyo hub kale oo tiro badan oo lagu soo qabtay howlgallo.

Hubkan ayaa oo la tusay Wariyeyaasha iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu soo qabtay howlgallo culus oo ay ciidamadu ka sameeyeen guryo ku yaalla caasimada.

Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in illaa 140 xabo oo hoobiye ah gacanta lagu soo dhigay, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay kala shaqeeyaan ammaanka caasimadda.

Muddooyinkii u dambeeyay ammaanka magaalada Muqdisho ayaa soo hagaagay, waxaana socda dadaallo badan oo hey’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya ay wadaan, si amni buuxa ay u helaan dadka ku nool caasimadda.
Ad
Previous articleWixii Sababay Dabkii Bakaaraha Ka Kacay Saakay oo La ogaaday
Next articleNinkii Hoyadiis toorayda Ku Dilay oo La Toogtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here