Home Wararka Caalamka wiilka Muzavani uu Qorsheeynayo inuu afgembinta aabihiis?.

wiilka Muzavani uu Qorsheeynayo inuu afgembinta aabihiis?.

0

Maxkamadda dastuuriga ah ee Uganda ayaa weeydiisay wiilka madaxweynaha dalkaasi Jeneraal Muhoozi in uu ka jawaabo eedeymo loosoo jeediyay oo ah in uu ku jiro dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed xilli uu hayo xilka ugu sareeya ee ciidamada dalkaas.

Garyaqaan xuquuqda aadanaha oo lagu magacaabo Gawaya Tegulle ayaa maxkamadda u gudbiyay dacwad sheegaysa in Muhooza uu ku jiro siyaasadda, isaga oo islamarkaasi ah taliyaha guud ee ciidamada, taas oo uu sheegay in aysan ahayn mid sharci ah.

Wuxuu doonayaa in lagu soo oogo dacwad qiyaamo qaran ah, maadaamaa uu ku dooday garyaqaankan in uu qiyaamayo aabihiis, doonayana in uu ku xilka kagala wareego aabihiis siyaabo sharci daro ah ama qiyaamo ah.

Jeneraal Muhooza ayaa dhowaan ku dhowaaqay in uu bilaabayo olole siyaasadeed, waxaana la isla dhexmarayaa hadal hayn ah in uu qorsheynayo in uu aabihiis xilka ka dhaxlo.

8-dii Maarso ayuu iska casilay xilka ciidamada, balse waxaa arrintaasi ka diiday aabihiis.

Musavani ayaa horey u beeniyay in uu wiilkiisa u diyaarinayo in uu dhaxlo.

Ad
Previous articleSirdoonka Mareykanka: Putin wuxuu soo wadaa dagaal weyn
Next articleWeriyihii Aljazeera ee Daanta Galbeed Shariin Abu Caqiil oo la Dilay Xili War Toos ah Tabinaysay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here