Home Wararka Caalamka Wiil Falastiini ah oo si arxan Dara ah dilay labo qof oo...

Wiil Falastiini ah oo si arxan Dara ah dilay labo qof oo Israa’iil u dhalatay

0

Nin Falastiini ah ayaa maanta dilay laba qof oo Israeli ah, oo mid uu mindiyeeyey kan kalena la dul maray baabuur, Daanta Galbeed ee la haysto kahor inta aan isaga la dilin, sida ay sheegeen saraakiisha Israel.

Weerarkan ayaa yimid saacado kahor inta aan la dhaarin baarlamanka cusub ee Israel, ayada oo xildhibaanada midigta fog ee ku jira oo la filayo inay ka mid noqdaan golaha wasiirada, ay wacad ku mareen inay joojin doonaa rabshadaha.

Ciidamada Israel ayaa ku warramay in “weerar toorey” ah uu ka dhacay aagga warshadaha ee Ariel ee waqooyiga Daanta Galbeed.

“Qof argagixiso ah ayaa yimid ganjeelka laga galo aagga wuxuuna mindiyeeyey qof shacab ah oo goobta ku sugnaa,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay ciidamada.

Adeegga gurmadka deg degga ah ee Israel ee Magen David Adom ayaa sheegay in nin 35 jir ah uu u dhintay dhaawacyo soo gaaray, halka saddex qof oo kale oo la mindiyeeyey ay dhaawac yihiin, kuwaas oo mid ka mid ah dhaawaciisa uu darran yahay.

Qofka weerarka soo qaaday ayaa kadib u jiheystay “meel gaaska looga shubto baabuurta wuxuuna ku tooreeyey shacab kale,” sida ay sheegeen ciidamada oo intaas ku daray inuu kadib xaday gaari oo uu baxsaday.

“Wuxuu la cararay baabuur uu xaday, wuxuuna kadib ku dul maray qof shacab ah,” ayaa lagu yiri bayaanka ciidamada.

Kooxaha gurmadka deg degga ah ayaa sheegay in 50 jir ah uu ku dhintay gaariga lala dul maray.

Ciidamada ayaa intaas ku daray in askari uu kadib dilay qofka weerarka soo qaaday, islamarkaana lagu raad joogo qof labaad oo la tuhunsan yahay inuu weerarka ku lug lahaa.

Wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in qofka Falastiiniga ah ee ciidamada Israel ay toogteen lagu magacaabay Mohammed Souf oo ahaa 18 jir, mana bixin faah-faahin intaas dheer.

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada
Ad
Previous articleTirada Dadka laga Eryay Shaqada oo korortay Sweden
Next articleHogaamiyaha Taliban oo soo saaray amar cusub oo ka careysiinaya reer galbeedka