Home Wararka Maanta Hogaamiyaha Taliban oo soo saaray amar cusub oo ka careysiinaya reer galbeedka

Hogaamiyaha Taliban oo soo saaray amar cusub oo ka careysiinaya reer galbeedka

0

Haibatullah Akhundzada Hoggaamiyaha ugu sarreeya kooxda Taliban ayaa ku amray garsoorayaasha Afganistan ​​inay soo rogaan ciqaabta dambiyada qaarkood oo ay ka mid yihiin goynta xubno jirka ka mid iyo rajminta ama dhagax ku dilista.

Afhayeen u hadlay hoggaamiyahan ayaa sheegay in dambiyada ay ka mid yihiin dilka, dhaca, Sinada, afduubka iyo qaska ay tahay in lagu ciqaabo dadka gaysta iyadoo loo marayo hannaanka shareecfda Islaamka.

Markii ay xukunka hayeen sagaashamaadkii, Taliban waxaa lagu cambaareeyay ciqaabahaas, oo ay ku jiraan xukunno dil ah.

Dambiyada qaar ayaa sia shareecdu qabto u baahan xaqiijin dheeraad ah sida sinada oo u baahan qirasho aan qasab ku imaan iyo ilaa afar qof oo marqaati ah. Sidoo kale dilka oo u dhac si ula kaca ah iyo midaan ku tala gal aheyn ayaa u baahan taxadar dheeraad ah oo ay ka mid tahay in qoyska qofka laga dilo uu mararka qaar cafin karo qof magdhow-na ka qaadan karo taasi oo shareecda Islaamku u oggashay sida ay qabaan cuiimada ku Xeelheer shareecada islaama.

Afhayeenka Taliban Zabihullah Mujahid ayaa bartiisa twitter-ka soo dhigay galinkii dambe ee Axadii in amarka “waajibku ah” uu yimid kadib markii Mullah Akhundzada uu la kulmay koox garsoorayaal ah.

Amarkan ayaa noqonaya mid ka id ah tallaabooyinkii ugu adkaa oo ay Taliban qaadayso, inkastoo dalalka reee galbeedka ay u arkaan tallaabo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Ad
Previous articleWiil Falastiini ah oo si arxan Dara ah dilay labo qof oo Israa’iil u dhalatay
Next articleRuushka oo duqeymihii ugu cuslaa ku Garaacay magaalooyinka Ukraine(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here