Home Wararka Caalamka Tirada Dadka laga Eryay Shaqada oo korortay Sweden

Tirada Dadka laga Eryay Shaqada oo korortay Sweden

0

Iyadoo heerka shaqo la’aantu ay sii socoto hoos u dhaca, tirada shaqaalaha ee helay ogeysiisyada shaqo ka joojinta ayaa si aad ah u kordhay Oktoobar la soo dhaafay.

Tani waxay daliil u tahay in ay wax ka jiraan dhaqaalaha, iyo sicir bararka sare ayuu yiri Andes Ljunberg oo ah sarkaal ka tirsan xafiiska shaqada oo la hadlay Radio Sweden. Tani waxay ka muuqataa suuqa shaqada.

Tirada dadka la ogeysiiyay shaqo ka joojinta bishii Oktoobar ayaa gaartay 5,000, marka la barbar dhigo qiyaastii 2,000 bishii inta lagu gudajiray Janaayo ilaa Sebtembar, sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu maanta soo saaray xafiiska shaqada.

Shirkadaha ganacsiga iyo warshadaha ayaa diiwaangeliyay boqolkiiba ugu badnaa ee ogeysiisyada cayrinta.

Dhanka kale, shaqo la’aanta ayaa hoos u dhacday bishii Oktoobar, laakiin hoos u dhaca ayaa ayaa ah mid ka hooseeya sidii hore.

Tirada dadka loo diiwaan geliyay shaqo la’aan bishii Oktoobar waxay ahayd ilaa 333,000, taasoo hoos u dhacday 45,000 tan iyo sannadkii hore. Heerka shaqo la’aanta ayaa ah 6.6 boqolkiiba, marka la barbar dhigo 7.3 boqolkiiba bishii Oktoobar ee sannadkii hore, sida laga soo xigtay tirooyinka Xafiiska Shaqada.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh “Waxaan soo waayay ka Madaxweyne ahaan jid aan ahayn dagaal”
Next articleWiil Falastiini ah oo si arxan Dara ah dilay labo qof oo Israa’iil u dhalatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here