Home Wararka Maanta Weriye la dilay isagoo war ka tebinaya goob qof lagu dilay

Weriye la dilay isagoo war ka tebinaya goob qof lagu dilay

0

Weriye u shaqeeya teleefishin iyo gabadh yar oo 9 jir ah ayaa lagu toogtay meel u dhaw degmada Orlando ee gobolka ee Mareykanka.

Toogashada ayaa ka dhacday meel aan sidaa uga fogeyn goob uu dil ka dhacay saacado ka hor.

Weriye kale iyo gabadha la toogtay hooyadeed ayaa iyaguna waxaa toogtay oo dhaawacay isla qof hubeysnaa oo looga shakiyay dilka, sida ay sheegeen booliska.

Baarayaasha ayaa sheegay in qofka looga shakiyay weerarka oo hubeysnaa la xiray.

Guddoomiyaha maamulka Orange, John Mina ayaa sheegay in baabuurkii ay saarnaayeen weriyeyaasha uusan u ekeyn baabuurka rasmiga ah ee Teleefishinka markii weerarka lagu soo qaadayay weriyeyaasha.

Wuxuu intaa ku daray in weriyeyaasha la toogtay xilli ay warka tebinayeen.

Ad
Previous articleMareykanka oo Muuse Biixi kala hadlay Dagaalka uu Ku Qaaday Laas Caanood
Next articleQaramada Midoobay: 2022 wuxuu ahaa kii ugu dhimashada badnaa Soomaaliya tan iyo 2017

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here