Home Wararka Somaliya Weerar Madaafiic ah oo Lagu weeraray Xerada Xalane

Weerar Madaafiic ah oo Lagu weeraray Xerada Xalane

0

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weerar la tuhunsan yahay in loo adeegsaday hoobiyaal lagu qaaday xerada Xalane ee qayb ka ah xayndaabka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Mid ka mid ah dadka garoonka ku sugan ayaa sheegay in 5 ilaa 6 madfac inay kusoo dhaceen Xalane.

Ilaa hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay. Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

Ma aha markii ugu horraysay ee hoobiyayaal lagu weeraro garoonka xerada Xalane, waxaana weeraradii horey loogu qaaday badankood sheegtay kooxda Al-Shabaab.

Ad
Previous articleAkhriso:- Qodobo Saddex ah oo ugu Muhiimsan Shirk Xalane ka furmaya dhawaan
Next articleFinland oo soo saartay Sharciyo Adag oo dhanka Bulshada Ah ( Akhriso Xanibaadaha Cusub)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here