Wasiirka waxbarashada Soomaaliya “Arday dhaawacmay ama wax noqday ma jiro, Mobile iyo qish lagu qabtay bay ka buuqeen wixiina Booliskaa xalliyey”

Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Cabdullaahi Carab), Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) iyo Agaasimaha Guud ee wasaarada waxbarashada Maxamed Caabi Xasan ayaa maanta soo xiray imtixaanka Fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa sanad walba qaada Imtixaanka Shahaadiga ee Fasalka 4-aad ee Dusiga Sare, kaasi oo ay sanadkaan u fadhiisteen in ka badan 35,000 oo arday, oo ku sugan dowlad goboleedyada; Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo gobolka Banaadir.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare Cabdullaahi Abukar oo soo xiray Imtixaanka ayaa yiri “Waxa aan ku guuleysanay in sanadkaan uu Imtixaanku  si nabad ah inoogu soo gaba-gaboobo, waxaana uu ahaa mid ka duwanaa kuwii hore, waalidiinta dhalay ardada, waasadaha maamulada, ciidamada booliska iyo barayaashii ka qeyb qaatayne waa u mahad-celineynaa”.

Dhanka kale, Wasiirka Waxbarashada oo wax laga weydiiyay shaqaaqo dhacday inta uu Imtixaanka socday ayaa yiri; ”Arday dhaawacmay ama wax noqday ma jiro, Mobile iyo qish lagu qabtay bay ka buuqeen wixiina Booliskaa xalliyey, Waalidiinta waxa aan fareynaa imtixaanada soo socda in ay Mobile-da kasoo reebaan.”