Home Wararka Maanta Wasiirka Farax Shiikh Cabdulqadir oo sheegay iney joojiyeen ceebeynta dad ku kacay...

Wasiirka Farax Shiikh Cabdulqadir oo sheegay iney joojiyeen ceebeynta dad ku kacay arrin ka yaabisay

0

Wasiirka Waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee DF Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay iney jiraan dad ka qeyb galay imtixaankii lagu kala xulanayey macalimiinta saddexda kun gaarayey, kuwaasoo uu sheegay iney adeegsanayeen dokumentiyo la been abuuray.

Faarax Shiikh Cabdulqaadir ayaa hadalkan ka sheegay munaasabadda shaacinta natiijada saddexdii kun ee macallin ee dowladdu qaadatay taasoo ay soo gabagabeysay Wasaaradda Waxbarshada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

Wasiirka ayaa sheegay in hadda aysan ceebeynayn shaqsiyaadkaas macalinimada soo dalbaday balse ay uga digayaan inay ka waantoobaan talaabadaas qaldan.

Waxaa uu sheegay in dadkaasi ay shahaadooyin been abuur ah kala yimaadeen Jaamacado ku yaalla dibadda, kuwaasoo uu xusay in markii ay wasaaradda la xiriirtay ay cadaatay iney yihiin kuwa laga been abuuray.

“Waxaan la xiriirnay Jaamacadihii liiskoodii waa la hayaa, haddii aan sii deyno waxa laga yaabaa in barkood lala aado maxkamaddo oo dhibaatooyin waaweyn la kulmaan. Been abuur in lagu shaqeysto suurta-gal ma ahan, weliba in macallin lagu noqdo” ayuu yiri Wasiirka.

Faarax Shiikh Cabdulqaadir ayaa xusay iney ku sigteen iney baahiyaan magacyada dadka arrintaas ku kacay balse ay ka baaqsadeen maadama ay tahay markii ugu horeysay, balse ay u dirayaan digniino.

“Mar waxaan damacnay in aan ceebeyno dadka shahaadooyinka been abuurka ah la yimid, laakiin waan ka laabanay maadama markii u horeysay ay tahay, balse marka dambe ma deynayno, dadka la yimaada shahaadooyinka been abuurka” ayuu yiri Wasiir Faarax Cabdulqaadir.

Ad
Previous articleCiidmada Amaanka Oo Howlgal Culus ka Fuliyay Magaalada Muqdisho
Next articleWararkii ugu dambeeyey doorashooyinka dalka Turkiga iyo Cida La Filaayo inay soo baxdo