Home Wararka Maanta Wasiirka Caddaaladda Xasan Macalin oo Ganbiyay kulankii Baarlamaanka iyo Cara Xooga...

Wasiirka Caddaaladda Xasan Macalin oo Ganbiyay kulankii Baarlamaanka iyo Cara Xooga oo Ka Dhalatay

0

Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka xukuumadda Soomaaliya Xasan Macalin ayaa maanta ka baaqsaday in uu hortago xildhibaannada golaha shacabka oo la filayay in uu kahor akhriyo hindise sharciyeed suáalana loo weydiiyo.

Sida aan xogta ku helnay wasiir Xasan Macalin ayaa tagay xarunta golaha shacabka ee Villa Hargeysa inta uusan kulanka furmin, hasa ahaatee wasiirka ayaa la waayay markii uu kulanka furmay lana doonayay in uu hor-yimaado xildhibaannada.

Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka guddoominayay ayaa sheegay in wasiirka kulanka maanta uga maqnaaday sabab la’áan, waxa uuna xusay in xildhibaannda ka tashanayaan sida laga yeelayo wasiirka.

Qaar kamid ah xildhibaannada golaha shacabka oo ka hadlay kulanka ayaa ku baaqay in tallaabo deg deg ah wasiirka laga qaado, waxa ayna tilmaameen in wasiirka u gefay xildhibaannada sidaa darteyd loo baahan yahay in dib u eegis lagu sameeyo xilkiisa.

Xildhibaannada qaar oo iyana kulanka ka hadlay ayaa codsaday in loo cudur daaro wasiirka ay suurtogal tahay in arrimo kale lasoo gudboonaadeen, waxa ayna dalbadeen in mar kale loo yeero oo la dhageysto intii kalsoonuida lagala noqon lahaa.

Falka uu maanta ku kacay wasiirka Dastuurka iyo Caddaaladda xukuumadda Soomaaliya ayaa carrro iyo buuq ka dhax abuurtay xildhibaannada golaha shacabka, lamana oga tallaabadaay wasiirka Caddaaladda ka qaadi doonaan.

Ad
Previous articleKoonfurta Gobalka Mudug oo Laga Dareemaayo Diyaar Garow Dagaal oo Culus
Next articleRaysulwasaare Imran Khan oo lagu riday xukun adag

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here