Home Wararka Somaliya Galmudug Koonfurta Gobalka Mudug oo Laga Dareemaayo Diyaar Garow Dagaal oo Culus

Koonfurta Gobalka Mudug oo Laga Dareemaayo Diyaar Garow Dagaal oo Culus

0

Abaabul iyo diyaargarow ciidan ayaa laga soo sheegaya Koonfurta Gobolka Mudug, kaas oo qayb ka ah wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogag deegaanka ah oo la abaabulay ayaa isu diyaarinaya gulufka la doonayo in maleeshiyadaasi lagaga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin koonfurta gobolkaasi.

Taliska Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, maamulada degmooyinka iyo odayaasha beelaha ayaa abaabulay ciidamada iyo dadka deegaanka, oo ay tahay in ay iska kaashadaan hawlgalka la damacsan yahay in kooxaha argagixisada lagaga suuliyo deegaanada Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqa xoogiisu uu ka socdo Degmada Wisil, halkaas oo sidoo kale lagu diyaariyay Xerta Ahlu-Sunnada Gobollada Dhexe.

Xiriirka Villa Somalia iyo Hoggaanka Ahlu-Sunnada Gobollada Dhexe ayaa la fahamsan yahay in muddooyinkii ugu dambeysay uu ka soo reynayay, iyadoona Dowladda Federaalka ay urur diimeedkaasi weydiisatay in hawlgalka ka gacan siiyaan.

Sabtidii ayaa duleedka Magaalada Guriceel lagu soo bandhigay xoogag deegaanka ah oo la abaabulay, isla-markaana ay qayb ka yihiin Xerta Ahlu Sunna.

Xertan ayaa u badan Xoogagii Ahlu Sunna ee kala irdhoobay, ka dib markii Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Dowlad Goboleedka Galmudug ay Hoggaankii Maamulka Ahlu Sunna sanadihii 2019-2020 kala wareegeen Magaalooyinka Matabaan, Guriceel, Dhuusamareeb, Caabudwaaq, Xeraale iyo deegaano kale.

Xerta Ahlu Sunna ayaa Shabaabka sanadihii 2021-2022 ka hor istaagtay weeraradii ay ku doonayeen in ay kula wareegaan Wisil, Baxdo iyo Qaayib, tani oo muujisay in ay yihiin xoogag weli jira.

Ciidamada haatan lagu diyaariyay Wisil ayaa la filayaa in ay xoreeyaan deegaano ay ka mid yihiin Caad, Cammaara, Dabagalo, Dumaaye, Bacaadweyne iyo Shabellow.

Sidoo kale Xerta Ahlu Sunna ee muddooyinkii ugu dambeysay kutubo raaca ku ahayd Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud ayaa qayb ka ah qorshaha socda ee lagu wado in mintidiinta Shabaabka lagaga saaro deegaanada hoostagga degmadaasi.

Xertan oo qaab beeleed u abaabulan ayaa la sheegaya in sidoo kale ay la hawlgeli doonaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee loogu talagalay inay qabtaan Magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo ka hadlayay shirka arrimaha amniga looga hadlayo ee Khamiistii shalay ka furmay Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in dadka reer Galmudug ay hadda diyaar u yihiin in ay dhulkooda ka sifeeyaan haraadiga argagixisada.

“Maanta waxaan haysanaa fursad weyn, waa loo istaagay, waana loo taagan yahay wejigii labaad ee ka sifeynta haraadiga argagixisada,” ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa xusay in reer Galmudug ay fure u noqon doonaan gulufka kooxaha argagixisada looga ciribtirayo guud ahaan dalka.

Dowladda Federaalka ayaa wareegga hore ee wejiga labaad ee hawlgalka diiradda ku saareysa in marka hore colkaasi laga soo afjaro deegaanada Galmudug iyo HirShabelle, marka xigtana ay ciidamadu cagta mariyaan dhulka ay mintidiintu ka maamulaan deegaanada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, markaas oo la filayo in hawlgalka ay dib kaga soo biiraan ciidamo ka socda dalalka deriska.

Ad
Previous articleCabdinaasir Maxamuud Nuux oo derbi-jiif ahaa haddana milkiile shirkadeed ah
Next articleWasiirka Caddaaladda Xasan Macalin oo Ganbiyay kulankii Baarlamaanka iyo Cara Xooga oo Ka Dhalatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here