Home Wararka Maanta Raysulwasaare Imran Khan oo lagu riday xukun adag

Raysulwasaare Imran Khan oo lagu riday xukun adag

0

Maxkamad kutaalla magaalada Islamabad ee dalka Pakistan ayaa xukun adag oo xabsi ah ku riday Raísul Wasaarihii hore ee dalka Pakistan Imran Khan oo lagu eedeeyay in uu ku kacay falal musuq maasuq ah.

Imran Khan ayaa maxkamadda ku riday saddex sanno oo xabsi ah, waxaana lagu helay Raísul Wasaare hore Imran Khan in uusan cadeyn lacag uu ka helay iibinta hadiyado dowladda la siiyay.

Xaakimka xukunka ku riday Imran Khan ayaa amray in si degdeg ah loo soo xiro, waxa uuna sheegay in laga maarmaan tahay in xabsi ku qaato xukunka maanta maxkamadda ku riday.

Qareenka Imran Khan iyo kooxaha kale ee u ololeenaya ayaa sheegay in xukunkan maxkamadda riday uu yahay mid siyaasadeed, waxa ayna sheegeen in ay racfaan ka qaadan doopnaan xukunkan.

Ad
Previous articleWasiirka Caddaaladda Xasan Macalin oo Ganbiyay kulankii Baarlamaanka iyo Cara Xooga oo Ka Dhalatay
Next articleWaa maxay Sababta uu isku Casilay agaasimihii Madaxtooyada Soomaaliya?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here