Wasiirka Arimaha Gudaha DFS oo Magacaabay Agaasimayaal Cusub.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliya Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay agaasime waaxeedyo cusub oo ka howl-gali doono wasaarada arrimaha gudaha DFS.
Warqada Wareegtada ah ee Wasaaradda ka soobaxday kuna taariikheysan 22-kii bishan ayaa waxaa agaasimaha waaxda xalinta khilaafaadka iyo dib u heshiisiinta loogu magacaabay Cabdiraxmaan Xaashi Faarax, halka Agaasimaha Waaxda Dhaqanka iyo arrimaha Bulshada loo magacaabay Muuse Abshir Cabdi .
Sidoo kale isla Digreetadan ayaa waxaa Agaasimaha Waaxda Xiriirka iyo Warfaafinta ee wasaaradda Arrimaha Gudaha loogu magacaabay Abshir Macalin Maxamed, halka isna Xanafi Cabdi Cale loo dhiibay xilka agaasimaha waaxda Hay’adaha aan dowliga aheyn (NGO).
No photo description available.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*