Home Wararka Caalamka Kenya oo ku dhawaaqday Go’aan kale oo Deg Deg ah

Kenya oo ku dhawaaqday Go’aan kale oo Deg Deg ah

0

Dowladda Kenya ayaa uga digtay hay’adaha QM, Ururada Caalamiga ah iyo Howlgallada Diblomaasiyadeed inay joojin doonto dhammaan duulimaadyada Soomaaliya.

Kenya ayaa duulimaadyada Soomaaliya hakisay muddo saddex bilood ah 11-kii May, hase yeeshee waxay ka reebtay duulimaadyada caafimaad iyo kuwa gargaarka bani’aadannimada.

Si kastaba, Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya oo qoraal cusub soo saartay ayaa ku eedeeysay hay’adaha QM, Ururada Caalamiga ah iyo Howlgallada Diblomaasiyadeed inay si qaldan u adeegsadeen fasaxii la siiyey, oo ay arrimo siyaasadeed u adeegsadeen duulimaadyada, kuna xadgubeen ogeysiiska lagu joojiyey duulimaadyada.

Wasaaradda ayaa uga digtay hay’adahan in duulimaadyada bani’aadannimo ay tahay in loo adeegsado arrimo bani’aadannimo oo kaliya, haddii kale ay gebi ahaan joojin doonto duulimaadyada Soomaaliya.

Ad
Previous articleWasiirka Arimaha Gudaha DFS oo Magacaabay Agaasimayaal Cusub.
Next articleGuddigii dhismaha Golayaasha Deegaanada Galmudug oo la kala diray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here