Home Wararka Maanta Wasiirka Amniga iyo Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo Ra’isul Wasaaraha la wadaagay ..

Wasiirka Amniga iyo Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo Ra’isul Wasaaraha la wadaagay ..

0

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa soo jeedin ku saabsan howlaha shaqo ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda u sameeyay Raisul-wasaaradaha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa Raisul-wasaare Xamse Cabdi Barre u soo bandhigay howlaha hortabinta u leh Hay’add sanadka aan ku jirno iyo qorshayaasha fog ee la doonayo in la fuliyo sanadaha soo socdo.

Dhanka kale Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale u soo bandhigay Raisul-wasaaraha XFS waxqabadka sanadkii tagay iyo horumarada la taaban karo oo ay ku tilaabsatay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda kuwaas oo ay kamid yihin dhismaha Xarunta dhexe, hufnaanta iyo dardargelinta adeegyada Hay’adda ay ka bixiso gudaha dalka iyo dibadda.

Ad
Previous articleMaxkamada sare ee dalka Kenya oo berri oo Isniin ah go’aan ka gaari doonta Kiiska Doorashada Keenya
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Magacaabay Lataliyahiisa Arimaha Xiriirka DOWLAD-GOBOLEEDYADA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here