Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Wasiirka Amniga Dowlada Federalka Soomaaliya oo Si Adag uga Hadlay Ciidamadii lageeyey...

Wasiirka Amniga Dowlada Federalka Soomaaliya oo Si Adag uga Hadlay Ciidamadii lageeyey Baladweyne

0

Wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa si adag uga hadlay ciidamada isugu jira milatariga iyo booliiska sida gaarka ah u tababaran ee la geeyay magaalada Baladweyne oo ay ka jirto xiisad sidoo kale lagu wado in ay ka dhacdo doorashada gollaha shacabka.

Wareysi uu bixiyay wasiirka ayuu ku sheegay in maamulka Hirshabelle aysan ka codsan xukuumadda in ciidamo loo soo diro, waxa uuna xusay in qalad weyn tahay in maamul goboleedyada ciidamada ka codsadaan taliyaasha iyada oon lasoo marin madaxda sare.

“Ma aha in Madaxda maamul goboleedyada ay ka codsadaan taliyaasha ciidamada askar waxa ay tahay wadada saxda ah inay la soo xiriiraan ra’iisul wasaaraha kadib ayuu wasiirka gaashaandhigga kala hadlayaa arrimaha ciidamada.”ayuu yiri wasiirka

Wasiirka amniga ayaa sheegay in masuuliyad ay dalka ka saaran tahay, waxa uuna xusay in ay socdaan qorshayaal ciidamada la geeyay magaalada Baladweyne looga soo saarayo dibna loogu celinayo xeryihii ay ka baxeen .

Ad
Previous articleRaysulwasaare Rooble oo Magacaabay Gudiga Dib usoo Celinta Ciidamadii Baladweyne Lageeyey
Next articleCiidamada Dowlada oo Qabtay Gaari Qaraxyo Ku Rarnaayeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here