Home Wararka Somaliya Jubbaland Wasiirka Gaadiidka Koonfurgalbeed oo Kismaayo Xildhibaan loogu Doortay

Wasiirka Gaadiidka Koonfurgalbeed oo Kismaayo Xildhibaan loogu Doortay

0

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland waxaa saakay ka socota doorashada xildhibaano kamid noqonaya golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Gaadiidka maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed Eelaay ayaa loo doortay in uu kamid noqdo gollaha shacabka, kadib markii uu ku guuleestay doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo.

Kursiga summadiisu tahay HOP126 oo uu horay ugu fadhiyay Maxamed Xasan Idiris Ganeey ayaa waxaa kusoo baxay Xasan Eeley oo helay 74-cod halka musharaxii la tartamayay Cabdiraxmaan Macalin Xuseen helay  21 cod.

Madaxweynayaasha maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa horey ugu heshiiyay in ay kala bedeshaan kuraas kala taala labada maamul , waxaana horey Baydhabo loogu doortay xubno uu watay Axmed Madoobe .

Ad
Previous articleCiidamada Galmudug iyo Kuwa Xooga Dalka oo minooyin Soo Saaray sheegayna inay Shabaab layeen
Next articleCiidamo ka Tirsan GorGor oo Maanta Beledweyne Laga dajiyay (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here