Home Wararka Maanta Ciidamo ka Tirsan GorGor oo Maanta Beledweyne Laga dajiyay (Sawiro)

Ciidamo ka Tirsan GorGor oo Maanta Beledweyne Laga dajiyay (Sawiro)

0

Waxaa Goordhow Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne laga soo dajiyey Diyaarad gaar ah oo siday Ciidamo ka tirsan Gorgor oo laga soo qaaday Magaalada Muqdisho.

ilo ku sugan Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaiif ayaa Mudug24 u xaqiijiyey in ilaa 50 askari oo ka tirsan Ciidamada Gorgor laga soo dajiyey Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne.

Ciidamada Gorgor iyo Haramcad ee manta la keenay Magaalada Baladweyne ayaa la dajiyey Meel ka baxsan xarunta Guutada 5aad ee Ciidamada xooga dalka Soomaaiya ee lama-galaay loo yaqaano.

ilo lagu kalsoonaan karo ayaa Warbaahinta u xaqeejiyey in ujeedka ugu weyn ee Ciidamadan usoo gaaran Baladweyne ay tahay Sidii ay sugi lahaayeen Amaanka Doorashada 25 kursi oo kamid ah golaha shacabka oo taalo Magaalada Baladweyne .

Ad
Previous articleWasiirka Gaadiidka Koonfurgalbeed oo Kismaayo Xildhibaan loogu Doortay
Next articleRaysulwasaare Rooble oo Heshiisiyay Mahadi Gulleed iyo Gudoomiye Cabdi Xaashi(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here