Home Wararka Somaliya Wasaaradda Waxbarashada Galmudug oo furtay kulan Looga hadlay Waxbarashada

Wasaaradda Waxbarashada Galmudug oo furtay kulan Looga hadlay Waxbarashada [SAWIRO]

0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Galmudug Maxamed Xaashi Dhoorre, ayaa maanta furay kulan looga doodayay nuqulka 1-aad ee falanqeynta Waxbarashada Galmudug, qaar ka mid ah Jaamacadaha Galmudug, dugsiyada waxbarashada, wakiillo ka socday wasaaraddaha, Qorsheynta, maaliyadda iyo Haweenk ee Galmudug, ayaa talo iyo turxaan bixin kusoo kordhiyay macluumaadka iyo xogta laga soo ururiyay Waxbarashada Galmudug.

Wasiir Dhoorre wuxuu sheegay in xogtan qabyada ah ay mari doonto dhowr waji oo lagu faaf-reebayo si loo helo nuqulka kama dambeysta ah ee saldhig u noqon doona diyaarinta qorshaha waxbarashada Galmudug ee shanta sano ee soo socota, sidoo kale wuxuu raaciyay in macluumaadkani ay wasaaradda ka caawinayaan qadashada go,aanno xaqiiqda ku saleysan oo aan lasoo minguurin.

Falanqeynta waxbarashada Galmudug ayaa lasoo gebagebyn doonaa dhammaadka bishaan June waxaana loo gudbi doonaa sidii loo dejin lahaa qorshaha waxbarashada Galmudug oo dhameystiran.

Ad
Previous articleMagaalada Nairobi oo dhac loogu geestay dad somali ah iyo xaalad ka jirta
Next articleBuunadada Magaalada cadaado oo dib u dayactir lagu sameeyay Xarigana Laga jaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here