Home Wararka Somaliya Buunadada Magaalada cadaado oo dib u dayactir lagu sameeyay Xarigana Laga jaray

Buunadada Magaalada cadaado oo dib u dayactir lagu sameeyay Xarigana Laga jaray

0

Buundadan oo ku taala bartamaha magaalada Cadaado oo burbursaned mudo sanada ah ayaa waxaa dayactir ku sameeyay shirkada isgaarsiinta Hormuud oo kaashaneysa gudiga isxilqaan ee magaalada cadaado iyo maamulka degmada.

dhismahii hore ee buundadaan ayaa ahaa mid cariiri kadhigay halka ey laamiga kaga taalo burbur xoogana uu kamuuqdo halka ey gawaaridu maraan balse dhismahaan dambe ayaa balaarin loogu sameeyay iyadoo lagu daray 5-mitir oo labada dhinac ah, taas oo ka dhigtay in laamigu uu noqday mid ay isticmaali kraan gawaari kabadan kuwii horey u isticmaali jiray.

Maxamuud Xasan Cabdille iyo Nabadoon Axmed Cismaan Guudcad, oo ka mid ah guddiga isu xilqaamay arrinkan ayaa kahadlay muhiimda ay leedahay inla dhiso Buundadaan oo bubursaneed sanado badan una mahad celiyay shirkada hormuud.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha degmada Cadaado Cabdulaahi Cabdiraxmaan Xuseen “Tootole” ayaa ku amaanay waxqabadka gudiga isu  xilqaamay dhismaha Buundada Cadaado waxuuna ugu baaqay Bulshada reer Cadaado inay ilaaliyaan Nadaafada Buundad.

Ad
Previous articleWasaaradda Waxbarashada Galmudug oo furtay kulan Looga hadlay Waxbarashada [SAWIRO]
Next articleisbitaalka Martiini oo Maanta Daawo Loogu Deeqay Qeyb cusubna Lagu soo Kordhiyay {Sawiro}

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here