Home Wararka Somaliya Magaalada Nairobi oo dhac loogu geestay dad somali ah iyo xaalad ka...

Magaalada Nairobi oo dhac loogu geestay dad somali ah iyo xaalad ka jirta

0

Soomaalida ku nool xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa walaac xooggan ka muujiyay kooxo burcad ah oo xilliyada habeenkii ah Mobilada ka dhaca dadka ku nool xaafaddaas.

Waxaa la sheegay in tuugadan ay si gaar ah u beegsanayaan Soomaalida oo kaliya, isla markaana ay wataan Mootada labada leh, iyaga oo markii ay taleefoonka kaa dafaan cararaya.

Caamir oo kamid ah Soomaalida taleefoonada laga dhacay ayaa sheegay in arrintaan ay jirtay maalmihii la soo dhaafay dad badan oo Soomaali ahna la dhacay, waxaana uu ugu baaqay dowladda Kenya inay arrintaan waxka qabato.

Arrintan ayaan imaanaysa iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay kordheen falalka afduubka ah ee loo gaysto Soomaalida ku nool Kenya, gaar ahaana xaafadda Islii

Ad
Previous articleMadaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Khilaaf soo kala dhexgalay
Next articleWasaaradda Waxbarashada Galmudug oo furtay kulan Looga hadlay Waxbarashada [SAWIRO]

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here