Home Wararka Maanta Warsame Ismaciil oo Goordhow Muqdisho lagu Dilay iyo Faahfaahin kasoo baxaysa

Warsame Ismaciil oo Goordhow Muqdisho lagu Dilay iyo Faahfaahin kasoo baxaysa

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil qorsheyan oo maanta koox hubeysan ay ka geysatay gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafadda Daallo oo ka tirsan degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Dilka oo ay fuliyeen rag ku hubeysnaa Bistoolado ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay nin lagu magacaabi jiray Warsame Ismaaciil oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga la dilayey uu kasoo baxay hoygiisa, kuna sii jeeday goobtiisa shaqada, waxaana meesha isaga baxsaday ragga ka dambeeyey falkaasi.

Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in marxuumka ay rasaasta ka haleeshay qayba sare, isla-markaana uu ku geeriyooday isla goobta.

Sida ay ogaanay Marxuumka ayaa sidoo kale ka mid ahaa ergadii soo dooratay Xildhibaan Mahad Salaad oo dhawaan loo magacaabay taliyaha hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka, kadib doorashadii uu kasoo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Maalmihii u dambeeyey ayaa la sheegay inuu la kulmayey hanjabaadyo uga imaanayey taleefano kala duwan, sida ay shaaciyeen qaar ka mid ehellada marxuumka.

 

 

Ad
Previous articleCiidamada Dowlada oo Laayay 10 ka Mid ah Alshabaab iyo odawaa oo Faahfaahiyay
Next articleIsbitaalka Wayn oo Laga Daahfuray Magaalada Afbarwaaqo ee Gobalka Mudug(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here