Home Wararka Maanta Warrakii Ugu Danbeeyey Dagaal Khasaaro Gaystay oo Ka Dhacay Magaalada Garowe

Warrakii Ugu Danbeeyey Dagaal Khasaaro Gaystay oo Ka Dhacay Magaalada Garowe

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay iska hor imaad xalay ka dhacay bartamaha magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, kaas oo u dhexeeyey ciidamada ammaanka ee maamulkaasi iyo rag hubeysan.

Israsaaseynta ayaa timid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada amniga Puntland iyo rag ka ganacsada maandooriyaha oo ku sugnaa qaybo kamid ah Garoowe.

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsanaa ciidamada amniga iyo qof kale oo shacab ah ayaa ku dhintay dagaalka dhex-maray labada dhinac, sida ay sheegeen goobjoogayaal ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada ammaanka ay gacanta kusoo dhigeen mid kamid ah ragga hubeysan oo markii horaba ay ka bilaabatay shaqaaqada.

Ad
Previous articleHaweeneyda Trump loo heysto inuu la “seexday” oo sheegtay inuusan xabsi u qalmin
Next articleMudaaharaadyo loogga soo horjeedo baabi’inta Ciidamada Soomaalida ee Liyu Police-ka oo ka dhacay Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here