Home Wararka Somaliya Warbixin” Waa Maxay Farqiga u dhaxeeya Xoogaga Alshabaab iyo Taalibaan ?

Warbixin” Waa Maxay Farqiga u dhaxeeya Xoogaga Alshabaab iyo Taalibaan ?

0

Afghanistan iyo Soomaaliya

Al-Shabaab iyo Taalibaan waxay labaduba ka tirsan yihiin ururka Al-Qaacidda ee ka howlgala meelo ka mid ah caalamka. Balse waxaa jira arrimo ay ka siman yihiin labada kooxood iyo kuwo ay gabi ahanaba ku kala duwan yihiin.

Daalibaan waxey soo ifbexeen 1990 kii waxeyna kasoo bilawdeen waqooyiga dalka baakistan

Dhanka kale, Al-Shabaab waxay markii ugu horreysay abuurmeen 2006-dii ka dib markii laga adkaaday xoogaggii maxkamadaha Islaamiga ee muddada kooban awoodda ballaaran ku yeeshay ee Soomaaliya.

Haddaba maxay ka siman yihiin labadan kooxood maxayse ku kala duwan yihiin?

1: Maxey ka simanyihiin

1- Inay ka wada tirsan yihiin Al-Qaacidda
Taalibaan iyo Al-Shabaab waxay wada hoos tagaan shabakadda Al-Qaacidda ee dhaqdhaqaaqyada ka sameysa meelo ka mid ah caalamka.

2001-dii markii uu billowday dagaalka Afghanistan, waxay Taalibaan iyo Al-Qaacida si wadajir ah ula dagaallamayeen ciidamada Mareykanka iyo xulafadiisa.

2: Fahanka Xukunka.

Taalibaan iyo Al-Shabaab waxyaabaha ay ka siman yihiin waxaa ka mid ah in labaduba ay sheegeen in ay ujeeddadooda tahay sidii ay xukun islaami ah ugu soo rogi lahaayeen dalalka ay ka dagaallamayaan.

3: La dagaalanka Ururka la baxay dowladda Islaamka (ISS.

Al-Shabaab iyo Taalibaan waxay ka siman yihiin in ay cadow ku yihiin ururka la magac baxay Khilaafada Islaamka, oo kooxo tageero u ah ku leh Afrika, sida Boko Haram

Labada kooxoodba waxay la dagaallameen xoogagga kooxda IS oo awood ku yeeshay dalalka Ciraaq iyo Suuriga, ka hor inta aan la wiiqin.

Kooxda IS waxa ay dhaqdhaqaaqyo ka sameeyeen gudaha Soomaaliya, balse waxa ay meelo badan ku dagaallameen Al-Shabaab.

Dhanka Afghanistan waxay dagaallo xooggan dhex mareen dagaalyahannada Taalibaan iyo kuwa IS oo doonayay inay ku xoogeystaan waddankaas.

4: Wadahadallada nabadda

Dhanka diblomaasiyadda, isku mid kama ahan al-Shabaab iyo Taalibaan, gaar ahaan sannadihii ugu dambeeyay.

Illaa hadda oo ay la wareegeen waddanka Afghanistan, waxa ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in wadaxaajood ay la sameeyaan dalka Turkiga.

Marka la eego al-Shabaab, erayga “wadahadal” kuma jiro qorshahooda “inta ay ciidanka ajaaniibka ku sugan yihiin dalka”, sida ay horey u sheegeen madaxdeeda.

Xigasho BBC News Somali

Ad
Previous articleRa’isul Wasaare Rooble oo si weyn Loogu soo dhaweeyay Wadanka Masar (Sawiro)
Next articleDiplumaci Mareykan ah oo diiday inuu ka Guuro Kabul

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here